Beesha caalamku waxay bayaan ka soo saartay doorashada Somaliland

 

Wefti  sare oo ka socday beesha caalamka oo booqasho ku yinid Hargeysa, kuwaas oo soo eegayay sida ay u socoto qabanqaabada doorashada bisha soo socoto ee Madaxtooyadda ee Somaliland.

Warsaxaafadeed ay soo saareen waxa ayaa lagu xusay in Hargeysa oo ay booqdeen safiirada Denmark, Midowga Yurub, iyo Eergo ka socotay Finland, Fransiiska, Netherlands iyo UK.

Wafdiga ayaa la kulmay Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo”, guddiga doorashada ee NEC iyo saddexda musharrax oo xilka madaxweynaha u tartamaya.

Waxay sheegeen in ay si cad u taageerayaan doorasho xaq ah in ay Somaliland ka dhacdo 13-ka bisha soo socota ee Noofambar.

Waxay sidoo kale musharrixiinta ku booriyeen in ay aqbalaan natiijada kastoo ka soo baxda doorashada.

War-saxaafadeedkaasi oo dhammaystirani waxa uu dhignaa sida tan:

Waxaa 4th October’ 2017 soo booqday Somaliland wafti Aad usareeya oo ka socda daneeyayaasha caalamiga ah. Waftigu waxa uu ka koobnaa danjiraha dawlada Denmark, danjiraha midawga yurub, iyo wafti matalaayey dawladaha Finland, france, netherlands iyo UK. Intii waftigu ku gudo jiray booqashadooda waxa ay la kulmeen Madaxwaynaha somaliland, komishanka doorashooyinka, sadexda xisbi qaran ee ku tartamaya doorashada. Waxa uu waftigu cadeeyey taageerada ay u hayaan in doorashadu ahaato mid si xalaal ah u dhacda oo laga wada qaybqaato 13November’2017 waxaanay ku dhiiri galiyeen dhamaan tartamayaasha in ay aqbalaan natiijada doorashada ee u Dhacda nidaam lag kalsoonyahay.

Daneeyayaasha caalamiga ahi waxa ay xuseen In diyaargarawga doorashada ee uu kominshanka doorashooyinku hogaaminayaa yahay mid si fiican u socda. Dhamaystirka diiwaan galintii qaybinta kaadhadhka codbixiyayaasha, diiwangalinta u tartamayaasha doorashada madaxwaynaha iyo madaxwayne ku xigeenka iyo wareegtadii madaxwaynaha ee 30 September’2017 ayaa ahaa higsi aad u xasaasi ah oo aad gaadheen. Dhaqangalinta wareegtooyinkan iyo xeerka nidaamka doorashada ee ay saxeexeen sadexda xisbi qaran ayaa ah mid Aad u muhiim ah, taas oo ay waliba ku jiraan in si siman xisbiyada qaranku u isticmaalaan saxaafada qaranka.

Iyada oo ay doorashadii ka hadheen shan Wiig oo kaliya, ayaa waftigu waxa uu ku dhiiri galinayaa xisbiyada, komishanka doorashooyinka iyo bulshada rayidka ahba in ay sii wadaan ka shaqaynta in ay doorashadu u dhacdo si nabad gelyo ah, xalal ah oo laga wada qaybqaato.

Manta waxaanu saaxiibadayada Somaliland ugu baaqaynaa in ay tixgaliyaan sharciga iyo nidaamka, sidoo kalena ay adeecaan ama raacaan go’aanada ay gaadhaan qaybaha sharciyada u hasta iyo in ay ku adkaadaan fulinta heshiisyadii ay saxeexeen. Waftigu waxa uu soo dhaweeyey talaabooyinka la qaaday ee lagu sugayo doorashadu in ay u dhacdo si fiican waxaana ay ku dhiiri galiyeen dadka reer Somaliland in ay u maraan cabashooyinkooda qaababka u dejisan ee sharciga ah. waxaa lagama maarmaan ah in xisbiyadu u ololeeyaan si macquul ah iyaga oo siman, oo uu tartankoodu ka madhan yahay hanjabaado ama cabsi galin iyo walba in ay u isticmaaslan saxaafada si siman.

Doorka bulshada rayidka ah iyo saxaafada ee hirgalinta in codbixiyuhu in uu helo xor uu wax ku doorto, isaga oo si dhaw u qiimaynaya siyaasadaha musharixiinta u tartamaya doorashada madaxwaynaha iyo iyaga oo kula xisaabtamaya xisbiyada siyaasada iyo dhamaan hay’ada Somaliland in ay fuliyaan balanqaadyadii ay u sameeyeen bulshada. Gaar ahaan, goob joogayaasha doorashada ee ay anisixiyeen komishanku waxa ay caawin karaan in ay xoojiyaan kalsoonida iyo daacadnimada habka ay wax u socdaan. Ururada bulshadu waxa ay soo diyaarinayaan ilaa 620 oo ah goobjoogayaasha maxaliga ah oo ay dhinac socdaan ilaa 60 goobjooge oo caalami ah oo hawsha goobjoogenimda aqoon iyo khibrad u let.

Daneeyayaasha caalamiga ah ee Somaliland waxa ay ogyihiin in doorasho xog iyo xalaal ah oo aan madmadow lahayn oo dhacda 13 November’2017, oo ay wada aqbalaan dhamaan xisbiyadu, oo ay daba socoto doorashadii baarlamaanka iyo dawladaha hoose, ay muujin doontaa qaangaadhnimada nidaamka dimuquraadiyada ee Somaliland.waa in ay noqdaan qaar dhagax dhig ku sameeyey si ay uu sii socoto horumarka bulsho iyo dhaqaale oo ah mid ay dani ugu jirto Somaliland. daneeyayaasha caalamiga ah ee Somaliland way sii wadi doonaan caawinta somaliland si dhawna waxa ay isha ugu hayn doonaan diyaargarowga iyo qabsoomida doorashada madaxtinimda Somaliland.

Xigasho: Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ingiriiska.

bandhige@gmail.com