Beesha Gaashaan Buur waxay la bahoobeen xisbiga Waddani iyo Musharrax Cabdiraxmaan Cirro oo sheegay in Kulmiye bulshada kala qoqobayo

 

Musharraxa Madaxweynaha xisbiga mucaarad ah ee Waddani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa maanta ka qayb galay munaasibad balaadhan oo xisbigu ku soo dhawaynayay taageerayaal. Xafladda Xisbiga WADDANI ku soo dhaweynayo Siyaasiyiin, Xildhibbaano, Wax-garad, Aqoonyahan, Madax-dhaqameed, Dhallinyar, haween iyo weliba taageerayaal baaxad leh oo ka soo jeeda beelaha Gaashaan-buur ee Ciidagale oo ka soo guuray Xisbiyada KULMIYE iyo UCID, waxa lagu qabtay  hoolka Guuleed Hotel ee magaalada Hargeysa. Hoggaanka dhaqanka iyo siyaasiyiinta la bahoobay xisbiga ayaa madasha ka sheegay sida ay cududdooda ula barbar istaagayaan xisbiga Waddani.

Musharraxa Madaxweynaha Waddani ayaa si kal iyo laab ah u soo dhaweeyay Boqorada, Salaadiinta, Cuqaasha, haweenka, dhalinyarada iyo siyaasiyiinta xisbiga la bahoobay “Waxa farxad weyn ii ah in aan ka soo qayb galo munaasibaddan aadka loo qurxiyay ee sida weyn looga shaqeeyay ee beeshan wayni cududdeeda ku soo biirisay xisbiga Waddani. Cududdu inta ay leeg tahay magaca ayay ka muuqata, nin ba sharraxay oo wuxuu yidhi ‘waa gaashaan iyo buur’ haddii la isku daro maxay noqonayaan,” Sidaas ayuu yidhi guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro.

Musharrax Cabdiraxmaan Cirro waxa uu sheegay in midawga beesha Gaashaan Buur ee Waddani qayb ka tahay rabitaanka shacabka Somaliland ee isbedel doonka ah waxaanu si dad ban uga jawaabay heshiiska Kulmiye daaha dabadiisa ka hagay ee dhexmaray beelaha Habar Jeclo iyo Subeer Awal  “ Somaliland maanta isbedel bay doonaysa, waxay doonaysa Qaran in ay dhisto, waxay doonaysa in ay qoqobka ka baxdo, waxay doonaysa gidaarradii la dhex dhigay in la burburiyo hase yeeshee Kulmiye waxa ka muuqda in uu kuwii horena sii adkaynayo qaar cusubna samaynayo hadda,” Sidaas ayuu yidhi Musharrax Cabdiraxmaan Cirro.

Waxa uu intaasi raaciyay in loo baahan yahay in dadku ikhtiyaarkooda ku doortan musharraxa ay rabaan “Somaliland waxay u baahan tahay in ay ikhtiyaarkeeda wax ku doorato oo aan cidna la khasbin, maanta uma baahin reer hebel ama heblaayo iyo heblaayo ayaa isku biirtay. Waxaynu u baahan nahay in dadku xorriyadooda ku socdaan oo kii Waddani ku jiray Kulmiye tagi karo, kii Kulmiye ku jirayna Waddani tagi karo. Xorriyaddaas ayaynu u baahan nahay uu muwaadinku ku dooranayo mustaqbalkiisa meesha uu u arko,” Sidaas ayuu yidhi musharrax Cabdiraxmaan Cirro.

Waxa uu intaas ku daray in ballan qaadkii hore ee Kulmiye codka ku helay beenoobay haddana aanay bulshadu taag u hayn ballan qaad kale oo been noqda “ Umaddu waxay tidhi maanta ‘ballan qaadkii hora nagu filan’ Biyo la’aantii maxa laga qabtay? Caafimaadkii maxaa laga qabtay? Iskuul la’aantii maxa laga qabtay? Ummaddu maanta waxay u baahan tahay wax u adeegga oo ka dhabeeya waxay odhanayaan,” Sidaas ayuu sheegay Musharrax Cabdiraxmaan Cirro.

Waxa uu intaasi ku daray in ay doonayaan in bulshadu codkooda ku siiso barmaamijka Waddani oo ka yimid rabitaanka shacbiga:

Waxaanu doonayna in aad nagu doorataan barnaamijkayaga oo aad akhridaan. Barnaamijkayaga dadka wax ku daray oo aanu rayigooda waydiinay oo aanu ururinay dabeedna barnaamijka wax baanu ka bedelnay, waa barnaamij ku salaysan dareenka shacbiga. Barnaamijkaas ayaanu doonayna in aad nagu doorataan, kaas ayaynu heshiis ku galayna, kaanu wax ku qabanayna waa kaas; kaanu tacliinta, biyaha iyo shaqa la’aanta wax kaga qabanayna waa kaas ee kaa nagu doorta. Maanta waxaynu doonayna in aynu Kulmiye bedelno, waxaanu doonayna in umaddu midawdo oo qoqobka laga saaro, Kulmiye waxaynu leenahay bedeluu, isbedel khayr qaba insha Allah,” Sidaas ayuu yidhi Musharrax Cabdiraxmaan Cirro.

bandhige@gmail.com