Biyo la’aan soo food-saartay magaalada Xalaba kadib markii la duqeeyey xarumihii ay biyaha ka heli jirtay

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan carruur  ee UNICEF, ayaa sheegtay in dagaalka xoogan ee ka socda shalay ilaa xalay magaalada Xalab uu waxyeelo u gaystay xarumihii ay magaaladu biyaha ka heli jirtay.

UNICEF ayaa sheegtay in dadka ku nool bariga iyo galbeedka Xalab, ay wajahayaan xaalad adag oo biyo la’aan ah.

Afhayeen u hadlay hay’adaasi oo lagu magacaabo Kieran Dwyer, ayaa BBC u sheegay in shacabka Xalab, gaar ahaan carruurta ay halis ugu jiraan xannuunada ka dhasha biyaha wasakheysan.

Waxa uu intaa raaciyay in dhinacyada isku haya dagaalka magaaladaasi ay biyaha u adeegsanayaan hub ahaan.

Dhanka kale, Maraykanka iyo Ruushka ayaa midba kan kale ugu baaqay in xulafadiisa uu cadaadis ku saaro, sidii ay u joojin lahaayeen dhiigga ku daadanaya Suuriya.

Afhayeen u hadlay Aqalka Cad ayaa sheegay in Moscow ay mas’uuliyad ka saaran tahay, sidii ay xukuumadda Suuriya u aqbali lahayd xabbad joojinta la qorsheynayo.

Waxa uu intaa raaciyay in taasi lagu kala ogaan doono go’aan qaadashada Ruushka ee ku aaddan colaadda Suuriya.

Balse wasiirka arrimaha dibedda ee Ruushka, Sergei Lavrov, ayaa sheegay in Maraykanka aanu wax amar ah ku lahayn xooggaga xulafada la ah ee dagaalka kula jira xukuumadda Bashar al-Assad.

Sergei Lavrov ayaa waxa uu sheegay in uu Bariga Dhexe la gubanayo siyaasad xumadda waddamada reer Galbeedka.

bandhige@gmail.com