Mac-hadka Cilmi-baadhista Caalamiga ah ee Denmark waxa uu Madaarka Hargeysa ku tilmaamay Albaabkii Aqoonsiga Somaliland

Mac-hadka cilmi baadhista caalamiga ah ee Denmarka (Danish Institute for International Studies) ayaa warbxin uu ka baahiyey gegida diyaaradaha caalamiga ah ee Egal International Airport ee caasimada Somaliland ee Hargeisa,  waxa uu ku sheegay horumarka uu sameeyey Madaarku inay horseed u tahay aqoonsi caalami ah oo Somaliland ka hesho beesha caalamka.

Cilmi baadhistan uu mac-hadku ku baahiyey boggiisa uu internetka  ku leeyahay (www.diis.dk), wuxuu ku sheegay in cilmi baadhaha lagu magacaabo Tobias Grandrup  oo ka socda Jaamacadda Antwerp isla markaana diyaarinaya shahaadada sare ee PHD inuu socdaal ku yimid dalka isla markaana uu warbixin dheer ka qoray guud ahaan Somaliland gaar ahaana madaarka caasimada. isaga oo qoraagu  qaadaa dhigay nidaamka heer caalami ee uu u shaqeeyo madaarku iyo sida uu Somaliland aqoonsigeeda hormuudka ugu yahay.

Dhinacyada ay warbixinatan mac-hadku baahiyay ee uu cilmi baadhe sare Tobias Grandrup  diyaariyay ku amaantay madaarka waxa ka mid ah Amaanka, , Hubinta dadka soo degaya iyo kuwa  dhoofaya, adeega iyo shaqooyinka maalinlaha.

img_1548 img_1414 img_1548 img_1562 airport

Xigasho website Machadka Cilmi-baadhista Caalamiga ah ee Denmark:  http://www.diis.dk/en/research/a-gateway-to-recognition

bandhige@gmail.com