Muddo saddex maalmood ah waxa xidhnaa Suuqa Xaafadda ay Soomaalidu ku badan tahay ee magaalada Nayrobi ee Islii, kadib markii ganacsatada Soomaalida ee suuqaasi ay go’aansadeen in ay shaqada joojiyaan, iyagoo ka cabanayay dad wadhata ah oo albaabada xarumahooda gamacsiga iyo jidadka suuqa ku soo batay.
Xalay ayaa booliska Kiiniya ay burburiyeen goobo ay wadhatada ku lahaayeen agagaaraha suuqa iyo jidadkiisa Suuqa Islii, kaasoo dhaliyay mudaharaaad dhagax tuur wata oo ay wadhatada iyo ganacsatada dukaanleyda oo ka soo horjeeda.
Ganacsiga wadhatada yar yar ee suuqa Islii ayaa waxa ku tiirsanaa dad aad u tiro badan kuwaas oo haatan u bilaaban tahay shaqo la’aan hor leh.