Xisbiga Waddani ayaa waxa uu xaflad soo dhoweyn ah u qabtay haween reer Boorama ah oo kusoo biiray.
Haweenkan oo ka soo diga-rogtay xisbiga Kulmiye ayaa waxa ku soo dhoweeyey Guddoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi โCirroโ iyo wefti uu hoggaaminayo oo ku sugan Boorama.
Qaar ka mid ah haween ku soo biiray Waddani oo ugu horeyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in gebi ahaanba ay u soo diga rogtaan xisbiga Waddani oo ay ku tilmaameen in uu yahay xisbi daacad ka ah in uu qaranka u horseedo isbedel dhabba oo ummadda gaadhsiin kara horumar, caddaalad iyo sinnaansho, waxa kale oo ay dhalliilo xooggan u soo jeediyeen xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye , iyaga oo ku duray in ay hore ugu hungoobeen isla mar ahaantaana aanu waxba ka qaban baahiyaha kala duwan ee ay qabaan haween weynaha Somaliland. Waxaana hadaladoodii ka mid ahaa:
โFarxad-weyn ayey noo tahay in aanu caawa/xalay ku soo biirno xisbiga horumarka iyo midnimada ummadda Somaliland ee Waddani, waxa aanu ka soo diga roganay xisbi aanu ku hungownay oo cid gaara u cuno duuban, muddadii uu jirayna aan haba-yaraatee wax la taaban karo u qaban haweenka gobalka Awdal iyo guud ahaan haween weynaha Somaliland.โ
Guddoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan Cirro oo isna ugu dambeyntii halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay haween tiradan badan ee ku soo biiray Waddani kana soo diga-rogtay xisbiga Kulmiye, waxaana uu tilmaamay in uu gebi ahaanba si aada u soo dhaweynaayo haweenkan iyo taageerayaasha kale ee ku soo biiray Waddani, isaga oo carabka ku dhuftay in Waddani uu door muhiim ah barnaamijkiisa siyaasiga ah ku siiyey haween weynaha Somaliland kuna dhiiri-gelinaayo in ay ka qeyb-qaataan siyaasadda dalka iyo horumarka Somaliland. Waxaana hadalladiisa ka mid ahaa:
โFarxadweyn ayey ii tahay in maanta ka xisbi ahaan aanu soo dhaweyno haweenkan tirada badan ee sida qurxoon u soo agaasimay baradan bilan ee sida habboon loo aslay, waxa aan lee yahay soo dhawaada, ku soo dhawaada gacmo furan, xisbi aan la kala lahayn, xisbi aan loo soo kala horeyn oo dhammaanba intii hore ugu jirtay iyo inta taageerayaasha u ahba ay ka mideysan yihiin oo qudhan hadafka isbedal dhabba oo qaranka laga suurto geliyo. Waddani, waxa uu dhiiri-gelinayaa siddii gebi ahaanba kor looggu qaadi lahaa horumarinta haweenka iyo weliba sida oo kale siddii ay uga qeyb-qaadan lahaayeen siyaasadda iyo horumarka qarankaba, gaar ahaan haweenka reer Awdal mudnaan gaara ayey noo lee yihiin, waxaana aanu idiin sheegaynaa in dalka aynu ku hoggaamin doonno cadaalad, sinnaanshiyo iyo horumar waara oo ay ku farxaan dadka jooga bari iyo galbeed.โ