Museveni oo ku horreeya codadka la tiriyey ee doorashada Ugaandha

Natiijooyin horudhac ah oo laga helayo doorashada madaxtinimada dalka Ugaandha ayaa muujinaya in madaxweynaha xilka haya Yoweri Museveni uu ku horreeyo, xilli degmooyinka qaar ay codkooda dhiibanayaan maanta kadib dib u dhac ku yimid shalay.

Ayada oo la tiriyey afar meelood meel codadka, ayaa Madaxweyne Yoweri Museveni oo xukunka hayey 30 sano, waxa uu haystaa 60% codadka illaa iyo hadda la tiriyey.

Hase yeeshee 36 goobo codbixinta ah oo ku yaalla Kampala iyo degmada Wakiso, oo ay ku xoogan yihiin taageerayaasha mucaaradka, ayaa codeynaya maanta.

Booliiska ayaa khamiistii si kumeel gaadh ah u xidhay hoggaamiyaha mucaaradka, ahna musharaxa Madaxweyne, Kizza Besigye kadib markii uu isku dayey in uu galo xarun uu sheegay in loo adeegsanayey in lagu qiyaamo doorashada. Waxaa la sii daayey goor dambe.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka, John Kirby, ayaa cambaareeyey xariga Besigye, wuxuun sidoo kale sheegay in dawladda Maraykanka ay ka walaacsan tahay dib u dhaca ku yimid cobixinta goobaha qaar.

Iyadoo indha si weyn loogu hayo Doorashada Madaxweynenimada ayaa waxa sidoo kale ku lammaan doorashooyinka Baarlamaanka iyo Dawladdaha Hoose.

bandhige@gmail.com