Booyad shidaal siday ayaa waxay ku qaraxday Kiiniya ayaa waxa ku dhintay 33 qof

Vehicles damaged in an oil tanker explosion are seen in Karai, Naivasha, on December 11, 2016. At least 25 people have been killed and several others injured when a fuel tanker lost control and rammed into several vehicles before bursting into flames in Naivasha. / AFP PHOTO / Simon MAINA

Booliska dalka Kiiniya waxay sheegayaan in ugu yaraan 33 qofay ku dhinteen booyad ku qaraxday magaalada Naivasha taasi oo siday shidaal, booyadan ayaa waxa qaraxeeda sababay shil ay gashay wado muhiim ah, kadibna ay qaraxday, sida wararka ay sheegayaan.

Saraakiisha dawladda waxay sheegayaan in shilka uu sababay, darawalka oo maamuli waayay gaadhiga oo buur ka soo degayay.

Wadada ay booyadda ku qaraxday waxay isku xirtaa Nairobi iyo Naivasha.

Shilka waxa qeyb ka ahaa 11 gaadhi oo kale oo dhammaan meesha ku gubtay.

Mid ka mid ah gawaadhida gubatay wuxuu ahaa gaadhi yar oo shacab oo siday 14 qof oo rakaab ah.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in dab uu qabsaday gawaadhida oo dadkii saarnaa ay ku jireen.

bandhige@gmail.com