Ra-iisal-Wasaaraha Ingiriiska, Boris Johnson oo ah ninka loo tirinayo in uu Ingiriiska ka saaray xayndaabka Yurub aabihii Stanely Johson ayaa sheegay in uu dalbaday dhalashada Faransiiska oo ah waddamada ugu tunka weyn Yurub. Dhawaqan ayaa dad badan oo dunida ah ugu muuqda in Stanely uu ficil ku muujinayo sida uu uga soo horjeedo waxa uu wiilkiisu ku bixiyey tacab sannado badan ah.
Stanely oo afgobaadsanaya ayaa yidhi “Anigu awalba Faransiis baan ahaa, waayo Faransiisku waa reer ayayday. Wax kale maan samayne wixii aan hore u ahaa ayuun baan dib ugu noqonayaa”.
Stanely oo ka mid ahaan jiray Baarlamaanka Yurub ayaa sidoo kale sheegay in uu isagu weligii ahaanayo nin reer Yurub ah “Waa kuma qofka igu odhan kara ma tihid reer Yurub ama qofka dadka Ingiriiska ku odhan kara ma tihid reer Yurub.” ayuu yidhi Stanley.
Waxa caawa kala baxay Ingiriis iyo Yurub, iyadoo uu Ingiriisku ka haajiray suuqa Yurub oo ka kooban 27 dal iyo isu-socodkii xorriyadda ahaa ee ay dadkiisu ku tagi jireen waddamada kagana shaqaysan jireen. Heshiis soo jiray 40 sanno ayaa saacaddii labada sannad kala wareegayeen waxba kama jiraan noqday. Halka heshiis cusub oo dhawaan jujuub lagu saxeexay uu hir galay.
Dad badan ayaa aaminsan in dadweynaha Ingiriisku ugu kala qaybsan yihiin ka bixidda Yurub, si la mid ah sida Borris iyo Aabihii ay arrinkaa ugu kala huleeleen.
Il-Wareed: Wakaaladaha Caalamig Ah