Bulshada Caalamku waxay si weyn uga walaacsan tahay go’aanka Golaha Guurtida

Warqad Arbacadii ka soo baxday Bulshada Caalamka ayaa lagu muujiyey sida ay Bulshada Caalamku  uga walaacsan tahay go’aankii Golaha Guurtida Somaliland ay Madaxtooyada iyo Wakiillada ugu kordhiyeen 21-ka bilood.

Warqaddaas oo si dhiiran loogula hadlay Somaliland ayaa lagu sheegay in la furo wada-hadal dib loogu eegayo go’aankii Guurtida.

Halkan ka akhriso warqadda ay soo saareen Bulshada Caalamku oo Bandhige af-Soomaali u turjumay.

 

Xafiiska Dawladda Ingiriiska ee Hargeysa

13 May 2015

UJEEDDO: DOORASHOOYINKA BAARLAMAANKA IYO MADAXTOOYADA EE SOMALILAND

1. Bulshada Caalamku waxa ay si weyn uga walaacsan tahay go’aankii ay Golaha Guurtida  Somaliland muddo-kordhinta ugu sameeyeen Golaha Wakiillada iyo Madaxweynaha muddo 21 bilood ah. Waxa si gaar ah nooga walaaciyey in go’aankan la qaatay iyadoo aanay isla meel dhigin dhammaan saddexda xisbi qaran ee Somaliland. Nabadda iyo sumcadda dimuqraadiyadda Somaliland waxa qeexi jiray wada-tashiga iyo go’aan laga wada qaybqaatay. Marka lagu eego indhaha Bulshada Caalamka, go’aankan Golaha Guurtidu wuxu si daran khatar u gelinayaa sumcaddii dimuqraadiyadda Somaliland.

2. Go’aankan ay Golaha Guurtidu kaligood iska qaateen xasiloonida iyo dimuqraadiyadda Somaliland ka jirta oo kaliya halis kuma aha, laakiin wuxu dhaawacayaa sumcaddii Somaliland wuxuna hantaaqo u gaysanayaa iskaashigii aanu muddada dheer la lahayn Somaliland. Sidaas daraadeed waxanu ku baaqaynaa in si dhakhso ah wada-hadal nidaamsan loo furo kaas oo lagaga tashanayo jadwalka doorashada iyo muddo-kordhinta, wada hadalkaas oo waafaqsan kii uu maanta (shalay) ku dhawaaqay Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici iyo baaqii ka horreeyey ee Madaxweyne Siilaanyo. Wada-hadalkani waa in uu dib-u-eegid ku sameeyo go’aankii Guurtida isla markaana horseedo heshiis lagaga gudbayo qalaalasaha hadda jira lana hubiyo in doorashooyin loo qabto sida ugu dhakhsaha badan ee ugu macquulsan.

3. Haddii aanu nahay bulshada caalamka ee iskaashiga la leh Somaliland waxanu diyaar u nahay in aanu qayb ka ahaano geedi-socodkan (wada-hadalka). Xubno metelaya Bulshada Caalamka ayaa qorshaynaya in ay Hargeysa soo booqdaan si ay u wadaan wada-halka ku saabsan qadiyaddan muhiimka ah. Bulshada Caalamku waxay hadda ka fikirayaan cawaaqibka uu yeelanayo go’aanka Guurtidu kaas oo halis gelinaya dhibaatana soo gaadhsiinaya bud-dhigga Hannaankii U Gaarka Ahaa Somaliland ee Deeqaha (Somaliland Special Arrangement).  Sidoo kale waxanu baaq u diraynaa dhammaan cid kasta oo daneeye u ah Somaliland in ay samayso dedaal kasta oo lagu badbaadinayo sumcaddii dimuqraadiyadda Somaliland, waxa aanu iyadana ku baaqaynaa in la sii daayo dhammaan dadkii loo xidhay sababo siyaasadeed.

 

(WARQADDAN WAXANU SOO SAARNAY) ANNAGOO KA WAKIIL AH BULSHADA CAALAMKA IYO GUDDIDA DIMUQRAADIYADDA  

Hoos ka akhriso warqaddan oo af-Ingiriisi ah:

 

http://bandhige.com/international-community-is-seriously-concerned-over-the-decision-by-the-somaliland-house-of-elders-guurti/