Bulshada Xaafada Daami oo Cod Dheer ku Taageertay Ciidanka Qaranka

Bulshada ku dhaqan Xaafada Daami ee caasimada Hargeysa ayaa taageero ballaadhan u diray Ciudanka Qaranka Somaliland.

Bulshada Daami ayaa sheegay inay barbar taagan yihiin ciidamada qaranka ee ku sugan jiidaha hore ee dufaaca xuduudaga Somaliland, waxa ay sheegeen in ciidanku ay naftooda u hurayaan qarannimada Somaliland iyo difaaceedaba.

Bulshada xaafada Daami waxay sheegeen in Qarannimada Somaliland tahay mid nabad ku dhusan, hase ahaatee uu cadowga soo weeraraa kala kulmi doono qoomamo iyo dhabar jab.

Bannaan-baxa taageerada ah ee ay sameeyeen shacbiga reer Daami waxay ku soo beegantay maalmo kadib markii madax dhaqameedka xafadaasi ay sheegeen inay diyariyeen 300 oo dhalinyaro oo ka qayb geli doona difaaca Xudduudaga Somaliland, kuwaasi oo ku biiri doona ciidamada Qaranka JSL.