Burco iyo istanbuul oo laga furay xarumo u gaar ah dumarka

Ayaan Cabdullaahi Cilmi waa gabadh Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Burco, waxa ay soo hindistay fikir ganacsi oo dumar badan ay aad ula dhaceen.

Waxa ay magaalada ka furtay goob ay dumarka ku jimicsadaan, islamarkaasna isaga dhimaan cayilka xilli wacyiga dadka ee arrimaha caafimaad-qabka jirka uu aad usoo kordhayo.

Ayaan oo la hadashay BBC-da ayaa tiri “Fikradda waxaa igu dhaliyay, anigaa jecel jiimka, riyadayda ayuu ahaa, kadib waan waayay, meeshaan tagaba rag baa jooga”.

BBC-da waxa sidoo kale ay booqatay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, halkaas waxaa ka furan goob ceynka oo kale ah, waxaana gidaarka ku qoran “Rag looma ogola”.

Ganacsigan waxaa furtay gabadha lagu magacaabo Bedriya Hulya, waxayna ka hirgalisay dalka Turkiga oo dhan. Hase yeeshee waxa ay Bedriya kaga duwantahay Ayaan ayaa ah in ay ganacsigeeda biloowday sannadkii 2006-dii kadib markii ay kusoo aragtay dalka Maraykanka. Waxaa laga yaabaa in ay masaafo aad u kala fog isu jiraan magaalada Burco iyo magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, hase yeeshee waxa ay waddaagaan hal abuur ganacsi oo ka hirgalay iyaga oon iska warqabin.

Bedriye Hulya oo xafiiskeeda ku sugan
Image captionBedriye Hulya oo xafiiskeeda ku sugan

Caqabadaha

Ma yara caqabadaha haysta ganacsiyada noocan ah oo dabcan ah kuwa ku cusub bulshooyinka islaamka.

Ayaan Cabdullaahi oo ka hadlaysa waxyaabihii qabsaday ayay tiri “Dadka oo dhan waa ila yaabeen, raggu waxa ay oran jireen gabadhan meesha furatay waxa ay rabtaa in ay dumarka murqo u yeesho oo ay na dilaan, dumarkana waxa ay oran jireen waa wax xun, marka dambe jirkaaga ayaa ku xumaanaya, balse hablihii waan fahamsiiyay”.

Macaamiisha

Goobta Burco oo mar aan sidaas u fogeyn la furey waxaa ka diiwaangashan 50 dumar ah, halka goobta Istanbul ay diiwaangashantahay 650 kun oo dumar ah, taas oo ka turjumeysa sida labada bulsho ay ugu kala duwanyihiin xagga fahamka muhiimada jimicsiga, gaar ahaan dumarka.

Ayaan waxa ay sheegtay in dadka ugu badan ee macaamiisha ay yihiin haweenka waaweyn , kuwaas oo ay sheegtay in ay aad ugu mahadceliyaan.

Waxa ay gidaarka goobta surtay sawiradeeda markeedii hore oo ay ahayd qof cayilan iyo hadda oo ay si fiican jimicsi u samaysay, taas oo dhiirogalin u ah dumarka kale.

Inkasta oo Bedriya ay mihnadan ku dhex jirto sannado badan, haddane weli waxa ay la kulantaa hadalo aanan dhiirogalinaynin.

“Waxay igu yiraahdaan suurtogal ma ahan in dumarka ay jimicsi ku sameeyaan Turkiga, balse aniga dhankaas kamaba eego, waxaan ka eegaa xagasha ah in ay meeshani fursad ku jirto” ayay tiri Bedriya oo la hadashay barnaamijka arrimaha dumarka ee BBC-da.

Mid ka mid ah qalabka goobta yaala (Istanbul)
Image captionMid ka mid ah qalabka goobta yaala (Istanbul)
Seyyide Koc waxa ay hadda maamushaa 3 xarumood oo jimicsiga dumarka ah oo Turkiga ku yaala
Image captionSeyyide Koc waxa ay hadda maamushaa 3 xarumood oo jimicsiga dumarka ah oo Turkiga ku yaala

Faa’iidada

Dumarka Turkiga waa kuwa boqolkiiba 34% shaqeeyaa, waxaana aad u yar kuwa leh ganacsiyo ay iyagu leeyihiin, tanina waa fursad ay ku noqon karaan mulkiilayaal.

Prof Nilufer Narli oo wax ka dhigta jaamacadda Bahcesehir ayaa sheegtay in dumarka intooda badan ay guryaha iska fadhiyaan, islamarkaasna waqtiga ugu badan ay ku bixiyaan daawashada TV-ga, sidaas darteedna ay u baahanyihiin dhaqdhaqaaq iyo jirdhis.

Ayaan Cabdullaahi ayaa la qabta, waxayna sheegeysaa in cuntooyinka dufanka badan ee ay dumarka cunaan ay ka dhigtay kuwa cayilan, islamarkaasna halis ugu jira xanuuno badan.

“Xitaa marka ay adeegga doonanayaan waxaa lagu qaadaa gaadiid” ayay tiri Ayaan oo hawshan ka eegeysa dhanka caafimaad qabka jirka.

Dalka Turkiga tirakoob ay soo saartay hay’adda caafimaadka adduunka waxaa lagu sheegay in 41% dumarka dalkaas ay yihiin kuwa aad u cayilan.

Waxaa jira dumar markii hore iyaga bilaabay barashada jimicsiga, balse hadda noqday kuwa leh goobo ceynkan ah.

Waa sidee gudaha goobahan?

Ayaan ayaa sharaxaysa in aysan meesha oolin qalabkii murqaha lagu soo saarayay, kaliya la geeyay qalab dumarka oo qura loogu talogalay.

Goobta Istanbul ku taala waxaa ku rakiban makiinadda lagu ordo. Qaar ka mid ah dumarka ayaa carruurtooda soo wata, waxaana jira meelo ilmaha loogu talogalay.

Xigasho:- Bbc somali

Bandhige@gmail.com