Cabdilaahi Jawaan wuxu iska casilay xilkii la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha doorashooyinka iyo xubinimada Golaha dhexe ee Kulmiye

 

La taliyaha madaxweynaha ee arrimaha doorashooyinka Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar (Jawaan), ayaa iska casilay xilkii la taliye madaxweyne ee uu ka hayay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo. Sidaas waxa Geeska Afrika u xaqiijiyay ilo xogogaala oo madaxtooyada ku dhowdhow.

Sida ay ilahani u sheegeen Geeska Afrika, Jawaan wuxuu shalay madaxweynaha is casilaadiisa ugu gudbiyay qoraal, waxaanu qoraalkiisa ku sheegay inuu iska casilay xilkii la taliyaha arrimaha doorashooyinka ee uu madaxweynuhu u magacaabay, isagoo madaxweynaha ka codsaday inuu ka aqbalo istiqaaladaas.  Md. Jawaan qoraalkiisa kuma sheegin wax faahfaahin ah, waxase la sheegay inuu ku soo koobay inuu umadda qoraal ugu soo bandhigi doono sababaha uu isu casilay.

Waxaanu warku sheegay inuu sidoo kale iska casilay xubinimadii guddiga fulinta ee xisbiga KULMIYE, isagoo qoraal u gudbiyay guddoomiyaha iyo murashaxa xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.

Cabdillaahi-jawaan oo uu Geeska Afrika la xidhiidhay si uu is casilaadiisan wax uga weydiiyo ayaa ka gaabsaday in uu arrintan ka hadlo, waxaanu hadal ku soo koobay:

“Arrintaas waxba kama odhanayo.”

Siyaasigan caanka ah ee Cabdillaahi-jawaan ayaa ka mid ah tirada yar ee odayaasha waayo arag ah ee weli ka sii tirsanaa xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Xigasho: Geeska Afrika

bandhige@gmail.com