Caddaan mise madow: Canada oo Soomaalida ku tilmaantay in aanay ahayn madow sax ah

(BBC Somali)-Mas’uuliyiinta hayada u adeegta bulshada Soomaalida oo ka dhisan magaalada Ottawa ee dalka Canada ayaa sheegay in ay la fajaceen go’aan ay waax ka tirsan dowladda ugu diidday dhaqaale loogu talagalay, kaddib markii ay ku tilmaantay in Soomaalidu aysan ahayn madow sax ah, sida uu shaaciyay telefishinka CBC.

“Maanta xilligan uu adduunka marayo in wax noocaas oo kale ah lala kulmo waa arrin aad iyo aad iyo aad looga naxo,” ayuu yidhi Maxamuud Xaaji Aadan oo ka mid ah aasaaseyaasha hayadda Soomaalida caawisa ee dhaqaalaha loo diiday.

“Dadka go’aannadan ay kasoo baxeen ama waxay kasoo jeedaan duni kale ama kama tirsana bulshada madowga ah,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Waxay hayaddooda ka mid ahayd boqollaal hayadood oo dowladda Canada ay codsigooda dhaqaale ku gacan seyrtay maadaama ay kasoo bixi waayeen shuruudihii looga baahnaa.

Sidoo kale Agaasimaha hayaddan Soomaalida caawisa, Cabdirisaaq Karod, oo bartamihii sanadkii hore codsiga dhaqaalaha u gudbiyay xafiiska dowladda ee bixiya kharashka lagu hormariyo bulshooyinka madowga ah ee dalkaas, ayaa sheegay in uu marnaba aamini waayay jawaabta diidmada ah ee lagu soo celiyay iyo sababta loo cuskaday toona.

Lacagta ay dalbadeen ayuu sheegay in dadka lagu caawiyo loogu iibiyo qalabka shaqada – sida kumbuyuutarrada – sidoo kalena loogu fuliyo adeegyo kale oo aasaasi ah.

“Waxaan helay email lagu dhahayo in hayaddeenna aysan ahayn mid ay madow hoggaamiyaan,” ayuu yidhi Karod. “Ma aanan rumeysanin wixii aan aqriyay. I rumeyso ilaa saddex jeer ayaan aqriyay warqadda.”

Wasiirka Arrimaha qoyska, Carruurta iyo Horumarka Bulshada ee dowladda Canada, Axmed Xuseen ayaa sheegay in warqadda hayadda Soomaalida ah loogu diiday dhaqaalaha qodobka loo sababeeyay uu yahay mid aan la aqbali karin.

“Warqaddii dhawaan ay dirtay waaxdeyda oo la gaarsiiyay hayadda ku guul darreysatay codsigeeda shaqaale raadinta ah waxay ahayd mid aan gabi ahaanba la aqbali karin,” ayuu bartiisa Twitter-ka kusoo qoray Wasiirka, oo qudhiisa ku dhashay Soomaaliya.

Wuxuu intaas kusii daray: “Islamarkii warqaddaas la i tusayba, si deg deg ah ayaan u dalbaday in laga noqdo go’aankaas, waxaana la kulmay saraakiisheyda si aan ugala hadlo khadalka dhacay iyo sidii uu markii horeba ku yimid.”

Xigasho: BBC