Guddoomiye ku-xigeenkii saddexaad ee hore ee xisbiga UCID, Cali Maxamed Yuusuf (Cali- gurey), ayaa markale ka hadlay xaaladda aan degenayn ee uu ku jiro murrashaxii hore ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, waxaana uu tilmaamay in aanu jirin qof isku-day keli ah guul ku gaadhi karaa.
Cali-gurey oo saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa hoosta ka xarriiqay inaanu Jamaal u muuqanin nin kasoo laabanaya xanuunka guuldarrada siyaasadeed ee usoo hoyatay, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,โGalladdu kuma jirto inaanad mar qudha kufin, laakiin galladdu waxa ay ku jirtaa marka aad kufto inaan kici karto, waxan aad uga xumahay Jamaal wuu kufay laakiin sida ay u muuqato nin soo kacaya ma aha.โ
Waxa uu Cali-gurey intaas ku daray inuu qiimaha Jamaal Cali Xuseen maalin walba halkii uu taagnaa hoos uga sii socdo oo aanu marnaba wax kor u kac ah samaynaynin, โJamaal waa nin dhallinyaro ah oo daโ yar, haddii maalinta aad kufto aad dhulka galgalato waxa ay noqonaysaa inaad maalin walba qiimahaagu hoos u sii socda,a dduunyadun maanta oo qudha ma ah, xataa haddii aad aargoosanayso dee maalintaadaa la sugaaโ ayuu yidhi Cali-gurey.
Cali-gurey waxa uu xusay in xubin uu Jamaal Cali Xuseen ku aaminay mawqifkii qarsoodig ahaa ee uu murrshaxnimadiisa kaga tanaasulay, isla-markaana ka talo geliyey uu ka qayb galay shirkii uu Faysal Cali-waraabe Hargeysa ku qabsaday, isagana aanu arrintaas taladeeda waxba ka weydiin, waxana uu yidhi:
โJamaal markii ay Muuse Biixi la kulmeen ninkii la socday ee markii uu ii imanayey la socday ee uu aaminay shirkii Faysal qabsaday buu joogay, anigana saddex toddobaad oo uu hawshaas ku jirey marna iima uu soo sheegin, sidaa uu isagu sheegay anna aan idiin sheegayo ayey u wada hadleen wax kasoo noqonayeyna may jirin.โ
Cali Maxamed Yuusuf waxa uu markii ugu horraysay shaaca ka qaaday inuu codkiisa si buuxda u siin doono murrashaxa xisbiga Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:
โJamaal waxa uu I siiyeyย suryadii aan ka bixi lahaa, aniguna hal cod baan leeyahay oo codkayga Muuse Biixi baan siinayaa qarin maayo,sababta aan u taageerayaana qabyaalad ma ahee horto qolada Xamar ku dari maayo.โ