Cali Gurey: Waxaynu u baahan nahay hoggaan adag, hoggaankaasina waa Muuse Biixi, Madaxweynaha ku xiga Siilaanyona waa Muuse

 

Mujaahid Cali-Gurey oo ahaa Guddoomiye-Xigeenkii 3aad ee xisbiga UCID ayaa maanta booqday Shirweynaha Garabka Dhallinyarada ee Xisbiga Kulmiye ee maanta ka furmay Maansoor Hotel. Sida muuqata Cali Gurey kama uu mid ahayn ergadii ama martidii rasmiga ahayd ee shirka.

1-dii November 2016 ayuu Cali Gurey sheegay in uu u codkiisa siin doono Muuse Biixi Cabdi, hase ahaatee wakhtigaas muu caddayn in uu si rasmi ah ugu biiray Kulmiye iyo in kale.

Cali-Gurey ayaa sheegay in 7 sanno ka hor ay ugu dambaysay xisbiga Kulmiye wakhtigaas oo ay isbeddel-doon ahaayeen, muddada intaas leegna uu baadigoob ugu jiray isbeddel dalka ka dhashay, isbeddelkiina uu ka soo waayey xisbiyada mucaaridka, sidaas daraadeedna uu hadda u soo noqday xisbiga Kulmiye.

Cali-Gurey oo warbaahinta kula hadlay goobta shirku ka socdo ee Maansoor, ayaa tibaaxay in dalku u baahan yahay hoggaan adag, hoggaankaasina uu yahay Muuse Biixi.

Mujaahid Cali Gurey wuxu sheegay in xisbiyada mucaaradku aanay maanta isbeddel dhallin karayn, sidaas daraadeedna madaxweynaha beddelaya Axmed Siilanyo uu yahay Muuse Biixi Cabdi.

Waa markii koowaad ee Cali Gurey lagu arko fagaare xisbiga Kulmiye tan iyo markii uu ku biiray xisbul-xaakimkii UDUB 2008-dii. Wuxu ka mid ahaa xubnihii xisbiga Kulmiye aasaasay sannadkii 2002-dii.

Cali-Gurey ayaa lagu tilmaamaa in uu yahay siyaasi cadallo cad oo aan runta la gabban taas oo uu ku kasbaday shacbiyad badan oo hadalkiisa u dhego-taagta xisbiga uu doonaba ha ka tirsanaadee.

Hoos ka daawo muuqaalka hadalka Cali-Gurey oo dhammaystiran.

https://www.youtube.com/watch?v=_CSZVhD9Rfw&feature=youtu.be