Cali Khaliif wuxu ka hadlay ujeedada uu Hargeysa u joogo iyo kulankii dhex maray isaga iyo Madaxweynaha

 

Maalmihii u dambeeyay waxa magaalada Hargeysa socdaal ku joogay hoggaamiyaha maamulka Khaatumo Prof. Cali Khaliif Galleydh, waxaanu kulan la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland oo uu ka mid yahay madaxweyne Siilaanyo.

Cali Khaliif Galay iyo maamulkiisa ayaa dhowaanahan wada-hadallo ku jiray xukuumadda Somaliland.

Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa Prof Galleydh ka waraystay ujeeddada socdaalkiisa, halka ay marayaan wada-hadallada dawladda Somaliland iyo Khaatumo iyo arrimo kale.

“Magaaladan waxaan u imid inaan diyaarad ka raaco diyaarad aan ka sugayay inaan u raaco Buuhoodle oo suuroobi weyday, magaaladana Airport aad u weyn oo wanaagsan ayaa ku yaala taa inaan ka faa’ideysto ayaan meesha u imid, magaaladana wakhti hore ayaa igu danbeysay oo aad ayay u dhisantay aad ayay u qurux badan tahay walaw aanan wakhti badanba helin inaan soo war-wareego waana Illaahey mahadii mar hadii Ceerigaabadii loo socon jiray maalmaha badan loo soconayo afar maalmood, madaxweynaha waanu is aragnay Muuse Biixi waanu is aragnay Maxamed Kaahin waanu is arag  iyo masuuliyiin kale”

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan:

xigasho: Hubaal Media

bandhige@gmail.com