Diyaaradaha Ciidanka Cirka ee Nayjeeriya ayaa duqeymo aan loola badheedhin ka geystay xerro dad barro-kacayaal ah ku jireen magaalada ran ee Waqooyiga Nayjeeriya, sida lagu baahiyey wargeyska CFR, qeybtooda Afrika.
Dhacdadan oo baddi warbaahinta dalkaasi baahiyeen ayaa la sheegayaa in ay u muuqato weerar lagu qaaday goob si khaldan loogu calaamadiyey in ay tahay xarun jabhada Boko Haram leedahay.
Tirada dadka ku dhintay weerarkaa ayaan weli xaqiiqadiisa la hayn balse wararka laga helayo goobta weerarku ka dhacay ayaa lagu sheegayaa in ay u dhexeeyaan konton ilaa boqol, inkastoo loo badinayo in ay tirada dhimashadu ka korodho maadama adeegyada caafimaad ee xerada bara-kacayaashu liidato.
Madaxweynaha dalka nayjeeriya Muhammadu Buhari oo ka hadlay dhacdadaa ayaa raaligelin iyo tacsi u diray ehelada dadkii dhimashada iyo dhaawacyadu ka soo gaadheen.
Ciidamada Nayjeeriya ayaa shaaca ka qaaday inay baadhitaan buuxda ku samayn doonaan sababta keentay in weerar duqeymo loo geysto xerro bako-kacayaal, inakstoo la sheegayo in ciidamada Nayjeeriya caado u tahay dilka shacabka, sidan oo kale hore ugu laayeen dad shicib ah ka dib markii la sheegay inay dhexda u galeen dagaalo u dhexeeyey Boko Haram.
Xigasho: Somalilandspan.com
bandhige@gmail.com