Milatariga Nayjeeriya ayaa waxay sheegeen in dhow ka tirsan hoggaamiyayaasha Boko Xaraam ku dileen weerar dhinaca cirka ay ku qaadeen waqooyiga Nayjeeriya.
Afhayeenka ciidamada ayaa sheegay, in hoggaamiya kooxda, Abubakar Sheekau uu ka mid ahaa dadka ku dhaawacmay weerarka kaymaha Sambisa ee Jimcihii.
Ciidamada Nayjeeriya ayaa waxay dhow jeer oo hore sheegeen dhimashada hoggaamiyaha Boko Xaraam.
Warka ka soo baxay milatariga Nayjeeriya ee weerarka, ayaa lagu tilmaamay mid aan horay loo arkin, wuxuuna ku soo aaday booqashada xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka John Kerry uu ku joogo Nayjeeriya.