Ciidanka Booliska oo Fariin Muhiim ah u Diray Bulshaweynta reer Somaliland

Hargeysa (Dawan) Ciidanka booliska Somaliland ayaa guud ahaan bulshada reer Somaliland faray inay ka fogaadaan, goobaha biyo mareenada sida, dooxyada, laagaha iyo biraha laydhka.

Sidoo kale waxa ay fariin u direen wadayaasha gaadiidka, waxaanay ku booriyeen in ay muujiyaan taxadar isla markaana ay dhimaan xawaaraha gaadiidka, waxaana lagu adkeeyay inay qaataan awaamiirta ciidanka nabadgelyada waddooyinka.

Waxa sidan lagu sheegay warka soo baxay taliska guud ee ciidanka booliska Somaliland, waxaanu u dhignaa sidan:-

Sidaa aad la socotaan, waxa la galay xilli roobaadkii Gu’ga, iyadoo la sadaalinaayo in raxmad badan oo keeni kara waxyeellooyin laga taxadari karo.

Haddaba waxaanu ku wargelinaynaa dhammaan bulshaweynta Jamhuuriyadda Somaliland ee ku nool gobollada, degmooyinka iyo miyigaba inay ka fogaadaan goobaha Dooxyada, Laagaha, Biraha laydhka iyo guud ahaan meelaha Biyo-mareenada ah.

Sidoo kale waxaannu faraynaa wadayaasha gaaddiidka in ay taxadar badan muujiyaan, xawaaraha gaaddiidkana dhimaan iyagoo qadanaaya awaamiirta ciidanka nabadgalyadu waddooyinka.

Ciidanka Boolisku waxa uu u taaganyahay ilaalinta Diinta, nabadda, maalka iyo nafta muwaadiniinta JSL.

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

Bandhige@gmail.com