Ciidanka Dabdemiska caasimada ayaa bulshada uga digey in ay ka waantoobaaj wax kasta oo caqabad ku noqonaya daminta dabka iyo badbaadada bulshada.

Ciidanka Dabdemiska caasimada ayaa bulshada uga digey in ay ka waantoobaaj wax kasta oo caqabad ku noqonaya daminta dabka iyo badbaadada bulshada.

Warka soo baxay ciidanka dabdemiska JSL, ayaa lagu sheegay in ciidanka oo ku hawlan daminta guriga jiingada oo dab qabsaday ay ka horyimaadeen dad dhagxaan sitaa oo ay shideen, waxaaney uga digeen dadka falalka noocaas ah ku kacaya inay ka digtoonaadaan.

Habeenimadii xalay Ciidamada Dabdemiska magaalada Hargeysa ayaa hawlgal ugu baxay Guri Jiingada oo dab qabsaday kuna yaala degmada Gacan-libaax.

Markii Ciidamadu goobtaa dabku ka kacay gaadheen, waxay dabkaas ku hakiyeen halkii ay ku gaadheen, waxaana laga nabadgelyeeyay hantidii iyo guryihii kale ee dabku qabsan lahaa.

Cid wax ku noqotay dabkaa ma jirin, hasa yeeshee waxaa jirtay khasaare hantiyeed oo soo gaadhay gurigaa dabku ka bilaabmay.

Wakhtiyadan dambe waxaa aad iyo aad u soo batay dabka, hadaba muwaadin ilaali badqabka naftaada, ehelkaaga iyo maalkaagaba.

990 soo wac hadii aad la kulanto masiibo dab shirkadaha Telesom/Somtel 24 ka saacadood.