Ciyaaryahanka caanka ah Tiger Woods ayaa goor dambe oo xalay ah la taxaabay

Ciyaaryahankii ugu caansanaa ciyaarta Gulf-ta la yidhaa Tiger Woods ayaa goor dambe oo xalay ahayd la taxaabay goor ku dhaw waaberigii mar uu marayey goob ku taalla gobolka Florida.

Sababta xadhigiisa ayaa lagu sheegay in looga shikiyey in uu isagoo sakhraansan ama daroogaysan gaadhiga waday sidaas daraadeedna loo  baqay amnigiisa iyo amnigga waddada.

Hase ahaatee subaxnimadii ayaa la sii daayey kadib markii la aqoonsaday in aanay wax halis ahi ku jirin sii-dayntiisa.

Tiger Woods ayaa 14 jeer ku guulaystay koobka Gulf-ta isaga oo noqday ciyaarhankii 2aad ee taariikhda darajadaas gaadha.

Muddo aad u dheer Tiger Woods wuxu ka mid ahaa dhawrka ciyaaryahan dunida qaata lacagta ugu badan.

Intii u dhaxaysay 1997 ilaa 2009 cidina kama riixin kaalinta koowaad. Hase ahaatee wixii ka dambeeyey wuxu ciyaarhankani la kacaa kufayey guuldarooyin kaga imanayey dhinacyo kala duwan iyadoo khilaaf ba’an oo dhax maray xaaskiisu uu kalifay furriin kadib markii uu qirtay gogol-dhaaf.

Wixii ka dambeeyey 2014 wuxu galay qalliin dhabarka ah oo is xigxigay kaas oo suurtoglin kari wayday in uu kaalintiisii koowaad xejisto.

Xadhigan hadda loo gaystay shaki kuma jiro in uu sii wiiqi doono sumcaddii Tiger Woods ee marka  horeba hoos u sii shiiqaysay.

Il-wareed: Wakaaladaha Caalamiga ah ee Wararka

Bandhige@gmail.com