Coronavirus Oo Qarxiyey Fadeexado Bulsho Oo Ka Jira Caasimadaha Waaweyne Ee Dalalka Horumaray

Guddoomiyaha midowga caalamiga ah ee jimciyadaha bisha cas iyo laanqayrta cas ayaa xaqiijiyey suurtagalnimada in ay qaraxdo dhibaato bulsho oo la xidhiidha dadka danyarta ah iyo kuwa bulshadu takoorta ee ku dhaqan magaalooyinka waaweyn ee dalalka reer galbeedka. Waxaa bannaanka u soo baxay heerka foosha xun ee ay dad aad u badan baahidu ka gaadhay, gaar ahaan gaajada iyo dayaca ay qabaan dadka derbijiifka ah iyo guud ahaan danyartu.

Waxa ay shaashadaha talefishannada laga daawaday magaalooyin aad u qurux badan, oo muuqaalkoodu hodannimo iyo ladnaan u taagnaa, balse markii ugu horreysay la arkayo dad samafalayaal ah oo darbijiif iyo sabool tiro badan cuntu ugu qaybinaya jidadka hareerahooda.

Guddoomiyaha midowga hay’adaha laanqayrta cas iyo bisha cas Francesco Rocca oo arrintan ka sii hadlayey ayaa sheegay in dhibaatooyinka bulsho ee soo baxayaa ay kordhinayaan khatarta iman karta ee ah in Karoona awgii ay is dilaan dadka jilicsan iyo kuwo la faquuqo ee ku nool magaalooyinka waaweyn.

Rocca oo warbaahinta kula hadlayey xarunta hay’adda qaramada midoobey ay ku leedahay magaalada Geneva waxa uu sheegay in ay jiraan dad badan oo si aad ah bulshooyinka bariga dhexe u faquuqeen. „Waxa aan ka cabsi qabaa in toddobaaddo yar gudahood ay dhibaatooyin bulsho ka dhacaan xaafadaha danyarta ah ee ku yaalla magaalooyinka waaweyn ee dalalka Yurub.

Hay’adda Laanqayrta iyo bisha cas ee caalamiga ah ayaa magaalooyinka waaweyn ee Maraykanka iyo Yurub ka bilowday ol’oleyaal ay dad iskood isu diray cunto u qaybinayaan dadka derbiyada iyo jidadka dhinacyadooda ku daranyeysan. Rocca oo hay’adda ka madax ahina waxa uu ka digayaa in gaajo badan iyo xaalado caafimaad darro ay soo waajihi doonto derbijiifka iyo saboolka Yurub iyo Maraykan ee dadkii ay ku hoos noolaayeen uu xanuunka Karoona guryaha ku xareeyey.

Waxaa soo baxaya warbixinaha iftiiminaya in xanuunka Koroona Fayras uu kordhin doono saboolka guud ahaan adduunka, maadaama oo ay dakhli waayi doonaan dadkii nolol maalmeedkoodu ku xidhnaayeen waxa ay maalinta shaqaystaan. Shaqadii maalinlaha ahaydna ay joogsatay.

Dhinaca kalana waxaa maalmihii u dambeeyey si aad ah u kordhay heerka tuukada iyo boobka meheradaha ee ka dhacaya magaalooyinka waaweyn ee dalalka reergalbeedka, arrintaas oo lala xidhiidhinayo korodhka baahida oo dad badan ku dhiirrisay in ay xatooyo sameeyaan.

Xigasho: Geeska Afrika