Dagaalka u dhaxeeya xukuumadda Afgaanistaan iyo Daalibaan ayaa sii kululaaday kadib markii maanta oo Jimce ah ay kooxda Daalibaan dhegta dhiigga u dareen madaxii warbaahinta ee Xukuumadda Afgaanistaan ahaana afhayeenka dawladda Dawa Khan Minapal.
Dhawr maalmood ka hor ayay ahayd markii ay Daalibaan ka digtay duqaynta ay dawladdu u gaysanayso dagaalyahannadooda, waxayna ballanqaadeen in ay ka aargudan doonaan dawladda iyagoo yool ka dhigan doona madaxda sare ee dawladda.
Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo lagu magacaabo Mirwais Stanikzai ayaa yidhi “Ayaan-darro, maanta argagixisadii waxay sameeyeen falalkii fulaynimada ahaa ee lagu yaqaanay, waxayna dileen mujaahid waddani ah oo reer Afgaanistaan ah”.
Wariyaha caanka ah ee Aljazeera James Bays ayaa sheegay in Dawa Khan Minapal uu ahaa qof ay warbaahinta Afgaanistaan si wacan u yaqaaneen, kana tirsanaa dadka ugu dhaw Madaxweyne Ashraf Ghani. Waxa la khaarajiyey isagoo gurigiisa ka soo baxay una sii socday salaadda Jimcaha, ayuu yidhi James.
Daalibaan ayaa xoojisay dagaalkii ay kula jirtay dawladda Afgaanistaan kadib markii ciidamadii Maraykanku ka baxeen dalkaas heshiis ay la galeen kooxdan darteen. Dagaalka xooggiisu wuxu ka socdaa meelaha xuduudaha laakiin waxay daalibaan ku soo dhawaadeen magaalo-madaxyada laba gobbol, kuwaas oo istiraatiji ah.
Il-wareed: Aljazeera