Daalibaan waxay ku dhawaaqeen howl-gal dagaal

 

Kooxda Daalibaan ayaa maanta shaaca ka qaaday howl-gal dagaal oo ka dhici doona dalka Afqaanistaan, kaasi oo lagu beegsanayo ciidamada Maraykanka uu hoggaamiyo ee ku sugan dalkaas, si waddanka looga saaro.

War-saxaafadeed maanta ay u qeybiyeen warbaahinta ayaa kooodan waxa ay ku sheegtay in “Howlgalka Mansouri” uu si rasmi ah maanta uga billowday dhammaan 34-ka gobol ee dalka Afqaanistaan.

Daalibaan ayaa sheegtay in howl-galkan loogu magac daray madaxii hore ee kooxdaas Mullah Akhtar Mansour, oo sannadkii tagay lagu dilay weerar ay fulisay diyaarad aanay cidna wadin oo Maraykanka uu leeyahay.

Warka qoraalka ah ee war-saxaafadeedkan ayaa waxa uu u qornaa sida tan:

“Howlgalladan waxay ka koobnaan doonaan weeraro caadi ah, kuwo jabhadeyn ah, is-qarxin shahiidnimo ah, miinooyin dhulka lagu aaso iyo weeraro ay fuliyaan dadka noogu jira dowladda.”

Afhayeen u hadlay wasaaradda gaashaandhigga Afqaanistaan Mohammed Radmanesh ayaa ku gacan seedhay hadalka Afqaanistaan, kuna sheegay ujeedo kale oo kooxdan ay dooneyso in ay ku disho shacab aan waxba galabsan.

bandhige@gmail.com