Dadka Deegaanka Soomaalida ma xorriyadday xamili la’yihiin?

Tan iyo markii uu meesha ka baxay maamulkii hore ee Dawlad Deegaanka Soomaalida waxaa jirtay inay kordhayeen rabshadaha iyo xiisadaha ka dhacaya guud ahaan deegaanka Soomaalida.

Xaaladda Dawlad Deegaanka Soomaalida ayay muddooyiinkii ugu dambeeyay hareeyeen rabshado salka ku haya kala duwanaanshaha dhanka siyaasadda ee bulshada dhexdeeda.

Waxaa haatan degan xaaladda magaalada Jigjiga kaddib iska hor imaadyo maalmihii lasoo dhaafay halkaasi ku dhexmaray dhallinyaro taageersan iyo kuwa diiddan ururka ONLF.

Maamulka Dawlad Deegaanka Soomaalida ayaa ku eedeeyay dad taabacsan nimaadkii hore inay ka dambeeyeen rabshadaha ka dhacayay Jigjiga oo uu ku dhawaacmay ugu yaraan hal qof.

Laamaha ammaanka ayaa magaalooyinka Jigjiga iyo Dhagaxbuur ka xirxiray tiro dad ah oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen falalka ammni darro ee ka dhacayay dhawaanahan deegaankaasi.

Haseyeeshee, dadka deegaanka ayaa walaac ka muujiyay rabshadaha dhawaanahan ka dhacayay deegaanka, waxayna inta badan rumeysan yihiin in xoriyada la helay aanan looga faa’iideysan sidii ay ahayd.

”Umaddan xannuunkii ay soo martay waala ogyahay wax walba dhallinyarada yaan faraha looga qaadin, xumaan wax matarto caqligu ha shaqeeyo, umaddan waxay u baahan tahay nabadgelyo iyo midnimo, dowladdana waa dowlad cusub waxayna ubaahan tahay in la garab istago”. ayuu yiri mid ka mid ah dadka magaalada Jigjiga oo BBC-da u warramay

Xalka rabshadaha

Dadka deegaanka Soomaalida oo muddo dheer ku hoos noolaa “xukun adag oo gacan bir ah ku hayay”, ayaa haatan waxaa la is weydiinayaa in la joogo xiligii lasiin lahaa wacyigalin dhanka dowlad wanaagga ah.

Faysal Cabdi Rooble oo ah khabiir ka faalooda arrimaha geeska Afrika si dhawna ula socda waxyaabaha ka dhacaya deegaanka Soomaalida ayaa rumeysan in loo baahan yahay labo arrimood si looga fogaado qalalaasaha hareeyay deegaanka.

”In bulshada loo sharaxo wacyigalin ay ku dheehan tahay humaagga iyo qorshaha madaxda maamulka ay haatan doonayaan inay ka hirgaliyaan deegaanka”.

Feysal wuxuu sidoo kale intaasi raaciyay in madaxda looga baahan yahay caddaalad dhab ah, maadaama inta badan madaxdu ay balanqaadaan caddaaladda inay sameynayaan, balse ay dhacdo in madaxdu ay ka fakaraan waxyaabo badan oo kale oo ay ka mid tahay sidii ay kursigooda u ilaashan lahaayeen halkii ay ka hirgali lahaayeen caddaaladdii ay balanqaadeen.

”Bani’aadamku wuxuu caddaalada u jecelyahay sida xooluhu u jecelyihiin roobka soo hooraya uguna diirsadaan, oo dadku marka ay arkaan madaxdii oo caddaaladii ay balanqaadeen ka shaqaynaya dadku markaas way ku daba feylaan wayna dhageystaan madaxda.” Ayuu sii raaciyay Faysal Rooble.

Maxaa la gudboon hoggaanka cusub?

Madaxda deegaanka Soomaalida waxaa la gudboon inay saddex arrimood ka miradhaliyaan sida uu qabo Faysal Cabdi Rooble.

Tan koowaad, in wax aargoosi ah aanan la sameynin oo dib-u-heshiisiin ballaaran oo cashar laga barto lagu dhaqaaqo.

Tan labaad, in dadka deegaanka loo horseedo ka dhabeynta cadaaladda xukuumadda cusub ay balanqaaday iyo in laga gudbo xaqdaraddi horey u jirtay.

Iyo tan saddexaad, oo ah in la dhiso maamul loo dhan yahay oo cid kasta ay iska dhex aragto, maadaama shayga dimoqaraadiyada uu yahay in maamulka ay iska dhex arkaan bulshada inteeda mudan.

Xukuumada Mustafa Muxumad Cumar waxaa u buuxsantay bil, waxaana u qabsoomay dhisitaanka madax xafiisyeedyadii oo ka dhigan golihii wasiirrada, gudoomiyeyaashii goboladda, iyo waliba maamullada degmooyinka oo madaxweynaha cusub uu sheegay in shanta maalmood ee soo socota ay dhameystiri doonaan.

Si kastaba ha ahaatee dad badan ayaa u arka in xukuumadda cusub ay habacsanaan ka muuqato meelo badan sida ammniga oo kale, halka qaar kale oo badan ay rumeysan yihiin in fikirkaasi yahay mid degdeg ah oo ay ku haboon tahay in laga dhursugo waxyaabaha ay la imaaneyso xukuumadda cusub.

Xigasho: BBC Somali