Dadka Muslimiinta Rohingya ee qaxay waxay kor u dhaafeen rubuc malyuun qof

 

Waxa aad u kordhay dadka Muslimiinta Rohingya ee ka qaxaya dalka Myamar, waxayna gaadheen illaa 270,000 qof sida ay sheegtay Qaramada Midoobay

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay ayaa sheegay in korodhka badan ay ugu wacan tahay in la ogaaday dad cusub oo meelo kale ka qaxaya.

Rabshadaha ka jira Myamar ee dadka lagu qaxiyay ayaa waxa ay bilowdeen kadib markii kooxo wax iska caabbin ah oo ka tirsan qoomiyadan Rohingya ay weerareen saldhigyo booliis, kadib markii ay dareemi caddaadisyo xad dhaaf oo lagu hayo qoomiyada Rohingya.

Dadka Myamar kasoo qaxaya ayaa sheegay in ciidamada militariga ay gubayaan guryaha, islamarkaasina ay dhibaataynayaan dadka.

Dawladda Myamar ayaa beenisey eedeymaha la xidhiidha in ay ku xad gudbayso dadka Rohingya, waxayna sheegtay in ciidamada ay la dagaalamayaan kooxo falaago ah.

Dadka soo qaxaya ayaa waxa ay galayeen dalka Bangaladesh, iyaga oo ka gudbaya xudduuda labada dal.

Xerooyinkii horay u jiray ee qaxootiga ayaa buuxsamay, dadka cusub ee halkaasi gaadhayna waxa ay dagayaan meelo cusub.

Dadka qaarkood ayaa masaafo dheer lugeynaya, qaarkoodna doomo ayey ku baxsanayaan, waxaana ka mid ah illaa 300 qof oo doon ku gaadhay Bangaladesh maalintii Arbacada.

Dhibaatada lagu hayo dadka Rohingya ayaa walwal ka abuurtay meelo kala duwan oo adduunka ka mid ah, waxaana hoggaamiyaha dalkaasi haweenayda lagu magacaabo Aug San Suu Kyi loogu baaqay in ay wax ka qabato dhibaatooyinka lagu hayo qoomiyada Muslimka ah ee Rohingya.

Dadka baaqa u diray waxaa ka mid ah Desmond Tutu oo ka wada tirsan yihiin bahda dadka qaatay abaalmarinta nabadda adduunka.

Waxaa xitaa jiray baaqyo loo jeedinayo guddiga bixiya Nobel-ka oo ah in ay kala noqdaan Suu Kyi, balse guddoomiyaha guddiga abaalmarinta bixiya Berit Reiss-Andersen ayaa sheegay in aysan taas suurtogal ahayn.

Sidoo kale dadweynaha Muslimiinta ah ayaa waxa aad uga cadhoodeen dhibaatada lagu hayo dadka Rohingya taasi oo ay ku tilmaameen ka baxsan bani-aadamnimada.

bandhige@gmail.com