Ilmo bil jira ayaa waxay laga saaray 7 illig oo u soo baxay 

 

Dhaqaatiir ku sugan gobolka Gujurat ee dalka Hindiya ayaa 7 ilkood ka bixiyay ilmo yar oo bil uun jiray.

Sida ay kusoo waramayso weriyaha BBC-da ee Hindiya Sushila Singh, waalidka ilmahan dhalay ayaa dhakhtarka geeyay kadib markii ay hooyadii dhibaato kala kulantay marka uu naaska jaqayo maadaamaa uu ilko leeyahay ilmaha oo uu qaniino naaska.

Dr. Meet Ramatri ayaa BBC-da u sheegay in qaliinka lagu sameeyay ilmaha ee ilkaha lagaga saaray, haatana xaaladiisu ay fiican tahay.

Waa arrin ugub ku ah dunida in ilmo bil jira ay ilko u soo baxaan.

Lama oga sida arrintan u saamayn doonto ilmahan mustaqbalka marka uu gaadho xiligii ay ilkuhu u soo baxayaan.

bandhige@gmail.com