Dadweynaha ku dhaqan Degmada Sheekh waxay si weyn u soo dhaweeyeen wefti uu hoggaaminay Guddoomiye Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi

 

Kumanaan kamid ah dadweynaha ku dhaqan degmada Sheekh, ayaa isu soo bax ballaadhan kusoo dhaweeyey wafti uu hoggaaminayo oo kasoo laabtay safar shaqo oo ay muddo ugu maqnaayeen gobolka Togdheer, waxana dadweynahani iyaga oo lulaya caleemo qoyan iyo astaamaha xisbiga KULMIYE ay isugu soo baxeen waddooyinka badhtamaha magaalada Sheekh oo ay ku qaabileen waftiga uu guddoomuyuhu hor kacayo.

Isu soo baxa ballaadhan ee ay shacabka degmada Sheekh ku qaabileen guddoomiyaha iyo waftigiisa, ayaa ahayd mid ay ku muujinayaan taageerada ay u hayaan KULMIYE iyo sida ay diyaarka ugu yihiin inay codkooda ku taageeraan, waxana waxgaradka, cuqaasha, siyaasiyiinta, xildhibaannada, haweenka iyo haldoorka deegaanka oo ka hadlay madasha Khayriyadda magaalada oo waftiga loosoo galbiyey ay sheegeen inay shacab ahaan ka midaysan yihiin taageerada KULMIYE.

Maamulka heer gobol iyo heer degmo ee Saaxil, waayeelka, waxgaradka, culaamu’diinka iyo aqoonyahanka degmada Sheekh, ayaa sheegay inay shacab ahaan ka siman yihiin hiilka xisbiga KULMIYE, Isla markaana ay maalinta codaynta muujin doonaan taageeradooda KULMIYE.

Xubno kamid ah waftiga guddoomiyaha oo la hadlay shacabka deegaanka Sheekh ee isu soo baxa ballaadhan ku taageeray KULMIYE, ayaa si weyn uga mahad celiyey soo dhaweynta qiimaha leh ee loo sameeyey, waxana ay tilmaameen inay si weyn ugu faraxsan yihiin heellanaanta iyo diyaargarowga ay muujiyeen shacabka degmada Sheekh.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha Md. Muuse Biixi Cabdi oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa shacabka degmada Sheekh uga mahadnaqay soo dhaweynta iyo taageerada is huwan ee ay ku qaabileen, waxana uu ku adkeeyey inay go’aankooda cod-bixinta halbeeg uga dhigaan waxqabadka xukuumadda KULMIYE dalka ka hirgelisay.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan iyo khudbadda Guddoomiyaha Kulmiye: 

bandhige@gmail.com