Dadweynaha Maraykanka ayaa maanta waxay dareereen goobaha codbixinta iyaga oo dooran doona madaxweynaha cusub ee dalka hoggaamin doona afarta sanno ee soo socda.
Hillary Clinton oo ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga iyo Donald Trump oo xisbiga Jamhuuriga ah ayaa ku loolamaya doorashada maanta.
Clinton ayaa doorashada maanta ugu yeedhtay :
“Tijaabada waqtigeena.”
Halka Trump uu shaaca ka qaaday:
“Maanta waa maalinta xorriyadeena”.
Labada musharax ayaa hadalladooda ugu dambeeyey ee ololaha doorasho jeediyeey saacadihii ugu horreeyey ee maanta oo salaasa ah.
Magaaladii ugu horreysay ee natiijada codbixinta ay kasoo baxdo oo ah Dixville Notch oo ka tirsan gobolka New Hampshire ayaa waxaa ku guuleystay Hillary Clinton oo heshay afar cod, halka Trump uu ka helay laba cod. Magaaladanayaa waxaa ku nool sagaal qof kaliya.
Natiijada rasmiga ah ee codbixinta gobol kasta laguma dhawaaqi doono illaa dhammaan goobaha codbixinta ay kasoo xirmaan sideedda habeennimo, ayada oo gobollada bari ay noqon doonaan kuwa ugu horreeya.
Hadalkeedii ugu dambeeyey oo ay ka jeedisay gobolka North Carolina ayaa Clinton waxa ay ku sheegtay in ay dooneyso in ay madaxweyne u noqoto qof kasta, kuwa u codeeyey iyo kuwa aan codka siin intaba.
Trump ayaa hadalkiisi ugu dambeeyey oo uu ka jeediyey gobolka Michigan waxa uu ku sheegay in uu doonayo in “isbeddel rasmi ah” uu dalka kusoo dabbaalo.