Dadyowga Ilaahay dunidan guudkeeda ku uumay sida ay ugu kala gedisan yihiin muuqa iyo afka ayay ugu kala duwan yihiin habka ama xeesha ay ku wejahayaan noloshooda maalinlaha ah, taasi oo ay qaabayso degaanta Ilaahay ku beeray isla mar-ahaan-taana u suurta-geliso dabeecadda Eebahay gaar u siiyay abuurkiisan karaamaysan oo ah โla-qabsashadaโ kana dhigaysa Ilmo-Nabi-Adam mid la jaanqaadi og wax kasta oo la soo dersa noloshiisa. Dabeecaddaasi, waa tan ka dhigta in Dirka Aadamuhu la iman karo ama samaysan karo hab-nololeed (degaan-bulsheed) ku salaysan hadba degaanta uu ku nool yahay (Social environment). Jirrabka nolosha ee degaantu hagayso ee kolba la soo darsa, Aadamahu wuxuu u raadiyaa xeeshii lagaga dabaalan lahaa ee hadba lagula tacaali lahaa. Hab-nololeedka noocaas ahi waa midka aadamahu kaga duwan yahay xawayaanka.
Sida guโga ama xilli roobaadka, si lamid ah abaaruhu waxa ay ka mid yihiin sunnaha nolosha, waana wax caadi ah oo gadgadoonka xilligu wato. Balse waxa ceeb ah in dadku aqoon iyo waayo-aragnimo ka kasban waayo, oo dhibica u horeeya ilowsiiyo, tii oo la ogsoon yahay in abaar kale iman doonto haddana aan wax tabaabusho ah laga yeelan, oo lagu baraarugo uun marka ay timaado. Inqaastan kooban maaha mid soo bandhigaysa xogo aan hore loo hayn oo cusub balse waxa ay si guud uga hadlaysaa ama u tilmaamaysaa saddex qodob oo u baahan in wax la iska waydiiyo.
Waa yaab!
kol haddii qof kasta oo bulshada ka mid ah madax iyo mijoba aan caad ka saarnayn ama uu u ogsoon yahay in ay maalin kale baryi doonto, si la mid ah ayaan shaki kaga jirin in mahiigaan kasta oo daโa oo gal iyo godaanba biyo gasha, iyo xareed kasta oo jirfata oo milayga jiilaalka lagaga qabowsado ay xigi doonto abaar nool iyo mood ba sahayata.Haddaba, in maanta qaylo-dhaan timaado oo abaaro baโan degaanada bariga laga soo sheego, maaha lama filaan oo waa mid laga dharagsanaa oo la sugayay. Balse waxa wax lala yaabo ah sida ummadda loo majaro habaabiyay ee wax aan dux u lahayn loogu dawakhiyay, danteediina looga jeediyay. Waxa kale oo yaab ah in dad iyo dawladba marka abaar dhacdo uun la baraarugo oo kaaga daranta hadda laba sheegayo in xukuumaddii biyaanu bari ka qodaynaa tidhi oo riig ku sii socdo iyadoo dhimasho xaaladu marayso. Talow intaan xaaladdu heerkan soo gaadhin maxaa riiga biyaha qodaya loogu diri waayay? waa weyniin iyaba jawaab u baahan.
Waa yaabka yaabkii!
In sanad walba abaaraha muruq iyo maal loogu gurmado, oo gude iyo dibad qof kasta waxa uu awoodu ku darsado oo aan loo kala hadhin ayaa laga dheregsan yahay. Waxa la yidhi mayd kee ugu danbeeyay iyo kaa la sii sido. Sanadkan horaantiisii ayay ahayd markii warbaahinta cod dheer iyo mid gaaban ba lagaga dhawaaqay in abaar baahsan oo dad iyo duunyaba galaafatay ka jirto dalka, haba ku kala badnaatoโe oo gobollada galbeedku ha ugu sii darnaadeene. Intaa waxa sii dheera, in xataa meelo aan awal lacag inooga iman jirin oo aynaan inana wax ba ka sugi jirin ay gurmadka iyana lacag ku soo darsadeen. Lacagaha la ururiyay waxay gaadheen malaayiin doolar, garoโe waa keliya inta lacag ahaan ku dhacday qasnadii abaaraha ee Guddida Abaaruhu maamulaysay. Waxa aynu la soconaa in iyadoo wali lacag ururintii lagu gudo jiro in Ilaahay Raxmadiisii shubay oo meel kastoo omos ahayd ba xareedii mulacyaysay, abaartiina jabtay, abaartii iyo warkeediina noqday sheegsheegeed hadhan. Guddiduna malaha iyana jiritaankeeduba wuxuu ku koobnaa abaartee, iyana dhibicdii horeba ku kala yaacday. Haddaba, waxa yaabka yaabkii ah, in aan laba caliba is waydiin qorshaha laga yeelanayo lacagtii xadiga lahayd ee ku dhacday qasnadda Guddida, in lala sugayo oo meel loogu dhitaynayo ilayn waa ina daanweyne abaartuye, iyo in si kale looba dhigay, iyo in garasho tidhi marka abaari timaad lacag la ururiyo la waayi maayo, si arintu noqotay ba mooyi.
Waa Amakaag!
Dalkasta waxa uu leeyahay mushkilado, qaarkood waxa uu kala siman yahay aduunweynaha qaar kalena isaga ayay u gaar yihiin. Haddaba, dawladuhu waxa ay u kala xushaan xalinta dhibaha ku gadaaman sida ay ugu kala mudan yihiin, oo dhibaatooyinka heerka qaran ah waxa looga qoondeeyaa ama wax loogu daraa miisaaniyadda qaranka. Waxa amakaag ah in Somaliland aan mushkiladuhu u kala hormaysnayn siday u kala mudnaayeen. Sidaa waxa marageeda ah sida xukuumaddihii kala danbeeyay ee soo maray Somaliland aan midina muhiimad gaar ah u siinin mushkiladdan soo noqnoqonaysa. Haddii laga tagi waayo waxa xukuumaddii Madaxweyne Rayaale yagleeshay hayโad u xilsaaran aafooyinka oo lagu magacaabo HAYโADDA CILMI BAADHISTA BADBAADINTA DEEGAANKA IYO U DIYAAR GARAWGA AAFOOYINKA. Hayโadaasi magac ahaan waa mid jirta ilaa hadda balse aan wali ka helin xukuumadda taagero buuxda si ay hawlaheeda u gudato. Togba taagtii ayuu rogmadaa ayaa la yidhi, maaha ceeb waxa qaadkaaga dhaafa ee aad tamar u waydo, balse waxa ceebtu tahay inta tamaradaadu tahay markay tari aqoon waydo.
Inqaastan waxa aynu ku soo afmeeraynaa meerisyo ka mid ah gabay Qaasin tiriyay lixdameeyadii. Wakhtiga Qaasim gabayga tirinayo oo ay ka soo wareegtay muddo konton sano ku dhaw mushkiladdii jirtay ilaa hadda waa tan aynu ka hadlayno. Waxa nasiib darro ah in muddada intaa leeg maaro loo helo iskaba dhaafe aan qorshaba laga yeelan. Haddaba, waxa loo baahan yahay oo lagama maarmaan ah in ugu horayn ABAARTA loo aqoon sado aafo qaran oo mudnaan la siiyo loona sameeyo hayโad ama koomishan u gaar ah sida HAYโADDA ABAARAHA. Dawlad iyo shicibna waa in fadhiga laga kaco, oo loo diyaar garoobo qorshe cad na looga yeesho sidii aan abaar danbe dad iyo duunyo inooga sahayan doonin. Haddii kale arintu waa abaarta eerso.
Sidii bay u dooyeysantahay damashii weyneyde
Sidii bay duleedada dharliโi ugu dabjeexaane
Sidii baa duโdada aar dhiciyo dacaw u joogaaye
Sidii baa dugaag uga gurtaa daaqa xoolahaโe
Sidii bay docu aqalladii uga daloolaane
Sidii baa darroorimada iyo daad u gelayaaye
Sidii baa degmadu ceelashii ugu darleeftaaye
Sidii baa ducaaloow! biyaha loo dawariyaaye
Sidii bay u daba goosi tahay haradii Dooloode
Guleed-Ayaanle Axmed Cumar
063-4732405
ayaanle77@yahoo.com