Dagaalka Gobolka Tigrayga oo meel ba’an maraya iyo baaqyo ka imanaya dunida

Dagaalka ka socda gobolka Tigrayga ee Itoobiya ayaa la filayaa in uu weji ka daran kii hore u gudbo kadib markii uu maanta ku dhawaaqay Ra’iisal-Wasaaraha Itoobiya in ay dhammaadeen saddex maalmood oo loo qabtay xooggagga Tigray-gu in ay isku soo dhiibaan.

Ra’iisal-Wasaaraha ayaa bartiisa Facebook ku sheegay in duulaan culus oo lagu xaqiijinayo ku-dhaqanka sharciga la aloosi doono maalmaha foodda innagu soo haya.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ayaa maanta ku dhawaaqday in ay gobolkaas ka jirtay xaalad bani’aadanimo oo dhammaystiran iyadoo qaxooti badna ku qulqulayaan dalka Suudaan qaybta xadka la leh gobolka Tigrayga.

Hay’adda qaabilsan bixinta abaalmarinta dunida uGu saraysa ee Noble Peace Prize taas oo uu sannadkii 2019 ku guulaystay Abiy Ahmed, ayaa qoraal ay soo dhigeen baraha bulshada waxay ku sheegeen in ay aad uga walaacsan yihiin waxa ka socda Itoobiya, taas oo loo fasirtay in ay tahay farriin ku socota Abiy oo abaalmarinta ku kasbaday nabaddii uu la qaatay Ereteriya.

Khubrada dagaalka ayaa tibaaxaya in ay adagtay in la saadaaliyo sida ay xaaladdu noqon doonto marka la eego quwadda milatari ee labada dhinac.

Ciidamada Itoobiya ayaa sida wararku tibaaxayaan hadda awoodda saaraya caasimadda Tigray ee Maqelle iyadoo maantaba qaraxyo laga maqlayey nawaaxiga magaalada kuwaas oo u muuqday gantaallo ay soo ganeen ciidamada cirka ee Itoobiya.

Boqolaal isugu jira shaqaale caalami ah iyo ajnebi ku sugnaa gobolka Tigray ayaa loo soo daad-gureeyey dhinaca Addis Ababa.

Xubno ka mid ah beesha caalamka ayaa dhawr jeer ku baaqay wada-xaajood, haseyeeshee waxa ganafka ku dhuftay Ra’iisal-Wasaaraha Itoobiya oo ku adkaystay in wada-hadalku bilaabmi karo oo kali ah marka ay xukuumaddiisu gabagabayso hirgelinta ku-dhaqanka sharciga ee gobolka Tigrayga.

Qormooyinka dambe ayaanu idiinkuk soo gudbin doonaa wixii hadba warar ka soo kordha khilaafkan.

Bandhige@gmail.com