Dalka Taiwan Ayaa Xafiis Diblomaasiyadeed ka furatay Jamhuuriyadda Somaliland

Dalka Taiwan Ayaa Xafiis Diblomaasiyadeed ka furatay Jamhuuriyadda Somaliland

Wakiilka Lou Chen-hwa iyo Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Yaasiin Hagi Maxamuud ayaa ka qayb galay xafladda furitaanka,  xafiiska wakiilka Taiwan ee Somaliland halkaasi oo ay ka soo qeyb galeen shaqaale diblomaasiyiin ah oo ka kala yimid dalal kala duwan.

Dhanka kale, Madaxweynaha Tsai Ing-wen ayaa sidoo kale soo duubtay fariin muuqaal ah oo ay ku muujineyso hamigeeda wanaagsan ee xafladda.

Qoraal lasoo dhigay barta wasaaradda arrimaha dibad ee dalka Taiwan ayaa lagu yidhi “Aad ayaan ugu faraxsanahay inaanu dhawaaqno furitaanka Xafiiska Wakiilka Taiwan ee Jamhuuriyadda Somaliland!”

Samaynta xafiisyada wakiiladu waxay qayb ka ahaayeen hab-maamuus la saxeexay bishii February ee sannadkan. Labada dal ayaa bilaabaya dadaalo iskaashi oo ku saabsan kalluumeysiga, beeraha, tamarta, macdanta, caafimaadka bulshada, waxbarashada iyo ICT.

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibada mudane Yaasiin xaaji Maxamuud Faratoon ayaa sheegay in muhiimadda juquraafi ahaaneed ee la siiyay Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, ay tahay waqti weyn oo lagu xoojinayo xiriirka ganacsi ee ka dhexeeya labada dal. Bandhige@gmail.com