Dallada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO waxay baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ee dirirtu ku dhex martay Gobolka Sool

 

War-saxaafadeed: Baaq Nabadeed

Dallada Heer Qaran ee Ururada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO waxay baaq nabadeed u dirayaan beelaaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhexmartay deegaanka Dhumay ee Koonfurta Gobolka Sool.

Dallada Dhallinyarada SONYO waxay ugu baaqaysaa waxgaradka, waayeelka, culimada iyo aqoonyahanka labada dhinac ee dirirtu dhexmarayso in ay xasilooni ku soo dabbaalaan xaaladdaas, dhexdana u xidhaan sidii loo joojin lahaa khasaaraha uu sababay dagaalka dhexmaray beelahaas walaalaha ah.

Sidoo kale waxay SONYO Dowlada Somaliland ugu baaqaysaa in ay ka hawl gasho daminta colaada iyo sugidda amniga. Colaadan daminteedu waa danta Shacabka Somaliland ee inta badan ku naaloonayey nabada iyo wada noolaanshaha.

Waxay sidoo kale SONYO tacsi u diraysaa dhammaan eheladii ay dadkoodu ku dhinteen colaadaasi oo si wayn u taabatay guud ahaan Somaliland. Waxaanay soo jeedinaysaa si deg deg ah oo bilaa shuruud ah loo joojiyo dagaalka and lana furo wada-hadal lagu dhexdhexaadinayo labada beelood, nabadna lagu soo dabaalo xaalada.

Geba gebada waxay SONYO ugu baaqaysaa Dhallinyarada Somaliland, gaar ahaan dhallinta Gobolka Sool in ay ka qayb qaataan daminta colaada iyo isku soo dhawaynta beelaha walaalaha.

Halkan hoose ka akhriso lifaaqa war-saxaafadeedka: 

Baaqa nabada Dallada SONYO

Allaa Mahad Leh

Nabad iyo Nolol.

Cabdicasiis Siciid Saalax

Guddoomiyaha Dallada Dhallinyarada SONYO