Dallada SONSAF waxay qabatay shir lagaga sababaha keena dib-u-dhac doorashooyinka Somaliland

Shirballaadhan oo lagaga doodaya sabahaha keena dib u dhaca doorashooyinka Somaliland ayaa lagu qabtay Hotelka Ambassador ee Hargeysa, shirkan oo ay soo qaban qaabisay Dalladda ay ku midoobeen ururrada aan Dawliga ahayn ee SONSAF.

Shirkan ayaa waxa kasoo qayb galay Hogaankasare ee SONSAF, Guddiga Doorashooyinka, Xisbiyada Siyaasadda,Jaamacadaha, siyaasiyiin, dhalinyarada, odayaasha dhaqanka, Haweenka iyo deeq bixiyayaasha.

Ugu horeyn Agaasimaha Dalladda SONSAF Maxamed Axmed Maxamuud “Barawaani” ayaa ka hadlay muhiimadda shirkan iyo qodobadda uu diiradda lagu saarayo, isagoo arrintaas ka haldayana waxa uu yidhi:

“Waamaxay sababaha keenay inay markastaba doorashooyinka Somaliland dib uga dhacaan wakhtigoodii loogu talo galay sharci ahaan? isaga oo arrimahaa ka hadlayana Mr Barawaani waxaa hadalladiisii kamid ahaa “maanta waxaynu shirkeenan ku niqaashaynaa inaynu isla eegno  sababihii keenay inay doorashooyinkeenu marwalba wakhtigooda sharcigu u qoondeeyey dib ugaga dhacayaan”

Barawaani waxa uu sheegay  in uu ku faraxsan yahay in ay madashani kulmisay aqoonyahano iyo waxgarad farabadan si ay isula eegaan islamarkaana uga doodaan madashan qodobo muhiim u ah masiirka umadda Somaliland isaga oo arrimahaa ka hadlayeyna waxaa hadalladiisii kamid ahaa, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa:

“Runtii maanta aad baan ugu faraxsanahay inaynu halkan isugu nimaadno si aynu islula falanqyano qodobo muhiim ah oo ku saabsan masiirka Somaliland, waxaa aaminsanayruntii inaatihiin dad aqoonleh  waxaanan ognahay inay Somaliland qaadatay nidaamka xsibiyada badan “multi party system” runtiina nidaamkaa waxbadan baa laynagu soo amaanay marka la eego ka African ahaan inaynu qabsanay doorashooyin u dhacay si nabad ah taana waxaa ka makhraati kacay dadkii  kormeeerayaasha ahaa ee dusha kalasoconayey habkii ay doorashadu u dhacaysay oo ku tilmaamay heer caalami oo kale inay ahaayeen doorashooyinkii inoo dhacay marka dib loo eego qodobadaasina waxay ahaayeen kuwo si fiican udhacay.”

Dhanka kale Barwaani waxa uu xusay in ay jiraan qodobo cabaqabado ku ahaa doorashooyinkaasi inna soo maray kuwaasoo ay kamid ahaayeen sida uu sheegay dib dhaca ku yimaadda markastaba doorashooyinka Somaliland kaasi lagu gorfeyn doonno shirkan.

Sidoo kale waxa ka hadashay Guddoomiye-ku-xigeenka Dalladda SONSAF Aamina Faarax Caarshe oo sheegtay arrimaha dimuqraayida Somaliland iyo heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay. Aamina Caarshe waxay tilmaaantay in ay doorashooyinka Somaliland iyo dib u dhacooda ku yimaaddaa qaybka yihiin caqabadaha ay Dimuqraadiyadda Somaliland.

Dhanka kalena waxa shirkan ka hadlay masuliyiin kale duwan oo ay kamid yihiin Gudoomiye-ku-xigeenka 2-aad ee xisbiga Kulmiye Maxamed Cabdi Dheere waxaanu sheegay sababaha keenaya inay doorashooyinka Somaliland noqdaan kuwo caadaystay in ay dib uga dhacaan xiligoodii in ay ka jawaabi karaan oo kaliya Mudanayaashii loo igmaday ee wakiillada waxaanu yidhi:

“Aniga waxay ilatahay inaanay arrinta dib u dhaca ka jawaabi karin Xisbiyada iyo cidkale toona ee ay tahay in arrintaa wax laga waydiiyo isla markaana ay iyagu ka jawaabaan Baarlamaankii loo doortay arriimahaasi.”

Waxaa isna halkaa ka hadlay Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji waxaanu sheegay inay haboonaan lahayd in la kala saaro arrimaha doorashooyinka iyo siyaasadaynta lagu dhex wado oo laga dhigo doorashooyinka arrimo farsamo siyaasaddana halkeeda loo daayo, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Aniga waxay ilatahay sababaha keenaya inay doorashooyinku xiligoodii dib uga dhacaani way iska cadyihiin oo cidwaliba way garan karaysaa waayo waxaa ku ladhan dano siyaasadeed markaa waxaan soo jeedin lahaa in laga dhigo arrimaha doorashooyinka kuwo farsamo oo aan la siyaadaynin.”

Waxaa isna halkaa ka hadlay Gudoomiyha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe waxaanu sheegay dib u dhaca doorashooyinka inay sababaheeda qaybtooda ku leeyihiin kuwa isku sheega inay yihiin deeq-bixiyayaasha waxaanu soo jeediyey inaysan dhaqaalaha yar ee ay doorashooyinka ku bixiyaan aanay taa u qaadanin inay Somaliland dhinacoda ka maroorsadaan talada dalka iyo hadba halka loo jeedinayo waxaana hadalladiisii kamid ahaa:

Deeqbixiya yaasha waanu u baanahay inay na caawiyaan balse uma baahnin inay $2o kun oo Doolar nagu gumaystaan dalkan annagaa siyaasaddiisa abuurray anagaa doorashooyinka keennay,anagaa xisbiyada samaysanay markaa hadday waxyaar doonayaan inay noogu taliyaan waxaanu leenahay taa yeeli mayno e anagaa dalkan iska leh annagaana u tashanayna.”

Faysal Cali Waraabe waxa uu Deeqbixiya yaasha ka codsaday inaanay xilligan lagu jiro Somaliland ku mashquulinin arrimaha doorashada basle ay kala shaqeeyaan hadday wax u tarayaan Abaaraha, waxaanu yidhi:

“Waxaanu idiinka baahannaya inaad naga caawisaan arrimaha gurmadka Abaaraha ee haddaad wax na siinaysaan kharashaadkii Abaaraha loogu gurman lahaa keena” Mr Waraabe waxa uu xusay haddii ay xaaladda Abaaruhu sii socdaan inaanay doorashadu markaa suuto gal noqonayn sida ay saga la tahay musharrixiinta kuraasta u tartamaya ee uu kamidka yahayna aanu markaa damiirku siinayn inay isku dulqabsadaan dadka baahida u dhimanaya waxaana hadalladiisii kamid ahaa hadday xaaladda Abaaruhu sii sicdaan doorasho la qabtaa suurto gal ma noqonayso annaguna maydka dadkayaga isku dulqabsanmaynee dadkayagana waanu badbaadinaynaa doorashooyinkana dibaanu u dhiganaynaa.”

Sidoo kale waxa gabagabadii shirkan ka hadlay Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka Cabdulqaadir Iimaan waxaanu sheegay inay soo dhaweynayaan dadaalka SONSAF ee shirkan qiimaha badan oo ay ahayd in ay qabtaan Golayaasha Baarlamaanku basle ay tahli kari waayeen. Cabdiqaadir waxa kale oo uu sheegay in ay warbaahinta qaybaheeda kaladuwani kaalin muggleh ka soo qaateen geeddi socodka siyaasadda Somaliland iyaga oo Koomishanka doorashada ee uu madaxada ka yahayna si fiican ugala soo shaqeeyey dhamaan doorashooyinkii hore ee dhacay  iyo kuwan hadda dhicidoonaba waxaana hadalladiisii kamid ahaa:

“Anaga doorashadii in ay xiligeedii ku qabsoonto waa naga diyaar, waxaanan wadnaa hawlihii daabacada kaadhadhka.”

isaga oo arrimaha Saxaafadda ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Waxaan aad ugu mahadcelinayaa bahda warbaahinta oo kaalin wayn ka soo qaatay arrimaha doorashooyinka waxaanan ku amaanayaa inay geed walba iyo guri walba oo miyi iyo magaalo ku yaallaba gaadhsiiyeen arrimaha wacyigelinta doorashooyinka”

Shirkan ayaa waxa uu socon doonnaa mudoo laba maalmood kaasii oo ay ka soo bixi doonnaan qodobo muhiim oo laga bixi karo caqabadaha dib-u-dhaca doorashooyinka.

bandhige@gmail.com