Dalladda SONSAF waxay qabatay shir lagaga tashanayo arrimaha maalgeshiga Somaliland

Dalladda ay ku midoobeen ururada aan dawliga ahayn SONSAF ayaa qabatay shir lagaga hadlayey arrimaha maalgashiga Somaliland kaas oo todobaayadii la soo dhaafay shirar noocan oo lagaga dooday arrimaha maalgeshiga.

Shirkan ayaa waxa ka soo qayb galay qaybaha bulshada sida siyaasiyiin, aqoonyahanno, dhallinyarada Jaamacadaha ka soo qalinjabiyey, ururrada ganacsiga iyo dadweyne kale.

Sidoo kale waxa ka soo qayb galay shirkan Wasiiru-dawlaha arrimaha dibadda Maxamed Mixille Boqorre, Agaasimaha Dalladdaasi Maxame Barwaani,Ismahaan Cabdisalaan oo ah Gudoomiyaha Dalladda Nagaad Network, Xasan Maxamed Jaamac (Xasan Xiis) oo ah madaxa xafiiska warbaahinta shirkadda Dahabshiil Groups, Maxamed Baashe Xaaji Xasan oo ah nin wax qora iyo qaarkale.

Furitaankii shirkaasi waxaa ka hadlay isla markaana faah-faahin dheer ka bixiyey ujeedada shirkan loo qabtay iyo maalgelinta laga hadlayo nooca ay noqonayso Agaasimaha Dalladda SONSAF Maxamed Barawaani waxaanu sheegay in ay ka dallad ahaaan soo dhaweynayaan maalgeshi kasta oo lagu samanaynayo Somaliland gaar ahaan kii ay dhawaan xukuumaddu lagashay shirkadda caalamiga ah ee DP-WORLD ee dekedda Berbera waxaanu tilmaamay Barawaani tallaabada ay tahay inay Somaliland ku wajahdo soo dhaweynta Dawladaha iyo shirkadaha doonaya inay ku maalgashadaan Somaliland, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidi:

“Runtii waanu soo dhaweynaynaa maalgeshi kasta oo Somaliland dhaqaaleheeda lagu kobcinayo balse waxaan rabnaa inay xukuumaddu ka shaqayso siyaabihii lagu soo jiidan lahaa shirkaddaha iyo Dawladdaha doonaya in ay ku maalgashadaan Somaliland.”

Waxa uu intaa ku daray:

“Runtii waxaanu ka warwarsanahay in aanay wali jirin shuruucdii maalgashiga iyo qawaaniinta caalamiga ah lagu dhaqilahaa.”

Barwaani waxa uu sheegay in ay Somaliland tahay dal yar oo aan haysan aqoonsi isla markaan dhaqaalihiisu hooseeyo dhallinyaradiina aanay shaqo-haysan kaabayaasha dhaqaaaluhuna  ay aad u hooseeyaan.

Sidoo kale waxa uu sheegay Barwaani in fursado waa weyn laga heli karo maalgeshiga DP World.

Sidoo kale waxa shirkan ka hadashay Guddoomiyaha Nagaad Ismahaan Cabdisalaan waxaanay ka hadashay arrimaha dumarka iyo sidii ay qayb uga noqon lahaayeen helidda fursadaha maalgeshiga iyo dhaqaalaha la doonayo  in ay dalka soo galaan, waxaana ka mid ahaa hadaladeedii:

“Anigu maadaama aan Nagaad ka madax ahay waxaan si gaara uga hadlayaa arrimaha dumarka waxaanu xustay inay habluhu jahawareer kala kulmi karaan shaqoraadista haddii aan loo diyaarin meelshii ay ka shaqayn lahayd waayo dumarku ragga oo kale maaha.”

Sidoo kale waxay sheegtay in aan dumarku ku dhiiran in ay himiladooda sare u qaadaan, iyadoo arrintaas ka hadlaysa waxay tidhi:

“Haddaynu bulshadeena eegno waxaynu nahay bulshu ku dhisan ha ka qabiiligi ah gabadhiina ma helayso sida wiilasha wax dhiirigeliya oo fursadaha uma sinna wiilashii iyo hablihii” ayey tidhi Marwo Ismahaan “markasta waxaa fiican wixii fursado ah ee maalgashiga la xidhiidha inay xukuumadeenu inoo soo bandhigto oo bulshadu ka warhaysaa.”

Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibedda Maxamed Maxille Boqorre oo halkaa ka hadlay waxa uu sheegay in looga baahan yahay bulshada rayidka ahi in ay dadaalkooda kordhiyaan si ay qabtooda uga qaataan sidii loo soo jiidan lahaa maalgashiga dunida laga rabo, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Xukuumaddu waxaa lagayaabaa inay waxyaabo kale ku mashquulsan tahay e idinka bulshada rayidka ah waxaa laydinka rabaa inaad arrimahan xoogga saartaan oo aad xukuumada ku garab gashaan sidii maalgeshigaasi ku najixilahaa.”

Kadib furitaankii shirkaas waxay ka soo qayb galayaashu isweydaarsadeen doodo dhaadheer oo ka hadlayey xeerarka caalamiga ah iyo waxay ka qabaan maalgeshigan ay Somaliland.

bandhige@gmail.com