David Cameron waxa uu iska casilay xildhibaanimada baarlamaanka Ingiriiska

Raysal-wasaarihii hore ee Ingiriiska David Cameron ayaa waxa uu shaaciyey in uu ka tagayo jagada xildhibaannimada oo uu hore u sheegay in uu sii ahaando tan iyo inta lagaga gaadhi doon doorashada dambe.

Cameron ayaa waxa uu hore iska casilay Raysal-wasaarenimada Ingiriiska kadib aftidii Midowga Yurub ay kaga baxeen.

David Cameron oo 49 jir ah, ayaa ahaa xildhibaanka Witney tan iyo 2001, isagoo noqday hoggaamiyaha Conservative-ka 2005 iyo Raysal-wasaaraha Ingiriiska tan iyo ย 2010-kii.

Isagoo ka hadlaya deegaanka uu degan yahay ayuu sheegay in ay tahay “sharaf wayn” inuu xildhibaan u noqdo deegaanka, laakiin in ay adag tahay inuu xildhibaan noqdo isagoo aan wadin shaqada dowladda cusub ee bixintaanka Midowga Yurub.

bandhige@gmail.com

ย