Ururka horumarinta sayniska Maraykanka ayaa waxa soo bandhigeen daraasad lagu sameeyey dawaynta kansarka oo ay wadeen muddooyinkii u dambeeyey.
Cilmi baadhayaasha sayniska ayaa sheegay in hab cusub oo lagu daawayn karo kansarka mustaqbalka uu suurto gal yahay kaas oo ah talaal ka lagaga hortagi karo soo noqnoqoshada kansarka.
Tijaabooyinka lagu sameeyey kansarka ayaa mid ka mid ah sheegaysaa in daawaynta unugyo shaybaadhka lagu sameeyay oo loo yaqaan T cells, guul aan horay loo arag laga gaadhay oo ay ku daawoobeen boqolkiiba sagaashan bukaankii aadka u xanuunsanaayey oo qabay kansarka dhiiga.
Balse dawooyinka ayaa wax u tari waayeen dad qaba xanuunka kansarka sidii la rabay, saynis yahanadana ayaa sidoo kale waxay sheegeen in loo baahan yahay baadhitaan dheeraad ah.
Dunidda ayaa waxay baahi weyn u qabtaa helida daaweyn kansarka.