Dawlada Ugaandha iyo Qaramada Midoobay waxay dalbadeen in la kordhiyo kaalmada qaxoontiga Suudaanta koofureed

Dawladda Ugaandha ayaa waxa ay sheegtay in ay ku qasbanaan doonto in ay kala badh dhinto cunnada gargaarka ah ee ay siiso qaxoontiga ka soo cararay colaadda Suudaanta Koonfureed, haddii aanan la kordhin taageerada ay ka hesho deeq bixiyayaasha.

Sidaasi waxa lagu sheegay warbixin laga soo saaray xafiiska Raysal-wasaaraha Ugaandha oo ah xafiiska u qaabilsan arrimaha qaxoontig, sidoo kale Qaramada Midoobay ayaa waxay dirtay baaq la mid ah baaqaas, iyadoo tirada qaxoontiga soo gaadhay ay sii kordhayso.

Dawladda Ugaandha ayaa waxa ay sheegaysaa in ay diiwaan gelisay in ka badan 200,000 oo qaxoonti ah wixii ka horreeyey dagaalladii dib u qarxay bishii July, halka Qaramada Midoobay ay sheegayso in ka badan 50,000 oo qaxoonti ah ay gaadheen Ugaandha wixii ka dambeeyey bishii July.

Gobolka West Nile ee waqooyiga galbeed ee Ugaandha ayaa haatan waxa laga furay xero cusub oo loogu tala galay in lagu qaabilo qaxoontiga cusub.

Suudaanta Koonfureed oo madaxbanaanideeda qaadatay shan sanno ka hor ayaa haddana waxa uu dagaal sokooye ka qarxay dhammaadkii 2014, dagaalkaas oo u muuqda in haddana dib u soo laba kacleeyey.

Iska hor imaadkii ugu dambeeyey wuxuu ka dhashay isku dhac dhax maray ciidamada madaxweyne-ku-xigeenkii hore, Riek machar, iyo kuwa dawladda uu hoggaaminayo Salva Kiir.

Labadan hoggaamiye ayaa waxa ay saxiixdeen heshiis awood qeybsi ah sannadkii la soo dhaafay, balse waxa uu u muuqdaa heshiiskaas in uu burburay, madaama isku dhicii ugu dambeeyey uu sababay in uu dalka ka baxo Madaxweyne-ku-xigeenkii hore Riek Machar, waxaana haatan socda dadaal lagu doonayo in dalkaasi lagu geeyo ciidan nabad ilaalin ah.

bandhige@gmail.com