-Dawladda Turkiga, ayaa sheegtay inay dardar gelinayso wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanay balan qaaday inay ciyaarayso door ah dhexdhexaadin iyo fududaynta miiska wada hadalka.
Safiirka Turkiga u fadhiya magaalada Muqdisho danjire Mehmet Yilmaz, oo waraysi siiyay idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho, wuxuu sheegay in Turkigu sameeyay dedaalo la doonayo in dib loogu bilaabo wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, isagoo xusay in Turkigu ergay cusub u magacaabay wada hadalada labada dhinac. โDawladda Turkigu, waxay ku dedaalaysaa inay door ka ciyaarto wada hadalada labada dhinac ee Somaliland iyo Soomaaliya, ilaa haddana waxaan samaynay dedaalo, hadda ka dibna waan sii wadaynaa dedaaladaas.โ Ayuu yidhi Danjire Mehmet, waxaanu intaas raaciyay โSafiirkayaygii hore ee Soomaaliya danjire Olgan Bekar hadda waxa loo magacaabay wakiilka gaarka ah ee Turkiga u qaabilsan wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanan rajaynaynaa inuu booqasho ku iman doono halkan,.โ
Isagoo sii sharaxaya safiirku dedaalka dawladda Turkiga ee isu soo dhawaynta Somaliland iyo Soomaaliya, wuxuu yidhi โDawladda Turkiga way ka goโantahay dedaalada ku aadan suurtogelinta wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, ka dal walaalo ahaan dawladda Turkigu waxay samayn doontaa wax kasta oo karaankeeda ah, sii socoshada wada hadaladu waxay ku xidhantahay labada dhinac, goโaankoodana iyagaa u madaxbanaan, annagu waxaanu ciyaaraynaa door walaaltinimo ah oo keliya iyo fududayn. Dhaqankayagu wuxuu yahay in labadii walaalo ee ah wax kala tabanaya inaan dhexdhexaadino oo la kala dhex galo.โ
Xigashe:- Geeska Afrika
Bandhige@gmail.com