Dawladda Ustareeliya oo loogu Baaqay in ay Aqoonsato Somaliland

Hargeysa(Dawan):- Guud ahaan shacbiga Somaliland eek u dhaqan daafaha caalamka ayaa wada dhaqdhaqaayo ay kaga dhaadhicinayaan dalalka ay ku dhaqan yihiin qadiyadda madaxbanaaniada Jamhuuriyadda Somaliland waxaanay dhambaallo gaadhsiiyeen madaxda dalalka ay degen yihiin.

Waana tallaabo ay ku dardar geliinayso aqoonsi raadinta jamhuuriyadda Somaliland wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland.

Danjiraha Somaliland ee dalka Australia Amb Xirsi Aadan Cali iyo jaaliyadda Somaliland ee dalkaas ku dhaqan ayaa dhambaal rasmi ah gaadhsiiyay dawladda Australia kaas oo ay kaga codsanayaan in dawladda Australia ay aqoonsato madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Dhambaalka ay Danjiraha Somaliland ee Australia iyo jaaliyada reer Somaliland dawladda dalkaas gaadhsiiyeen oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Wargeyska Dawan,ayaa u dhignaa sidan.

“Shacbi weynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee ku dhaqan gudaha dalka iyo daafaha caalamka ayaa si wanagsan u xusay maalinta qaranimada Somaliland ee 18 May, 2024, taas oo ku beegan sannad-guurada 33-aad ee ka soo wareegtay markii ay dib ula soo noqdeen madax-banaanideeda, isla markaana ay kala direen midowgii burburay ee Soomaaliya, isla markaana 26 June 2024 ay shacbiga Qurba-jooga Somaliland waxa ay u debaal-degayaan 64-guurada ka soo wareegtay markii ay Somaliland xornimadeeda ka qaadatay Boqortooyadii Ingiriiska. Waana in la ogaado in maalintan taariikhiga ahi ay leedahay Jamhuuriyadda Somaliland, balse aanay Somaliya lahayn si kastaba ha ahaatee.

Somaliland waa Maxmiyadii hore ee Ingiriiska oo xornimadeeda qaadatay 26-kii June 1960-kii, waxayna ahayd dal madax-bannaan, ka hor intii aanay la gelin midawgii fashilmay ee Soomaaliya sifo sharci ah oo shaki ku jiro, iyada oo ku hammiyi jirtay in la sameeyo Soomaali-weyn (Shan Soomaali ah) oo aan iyaduna weligeed shaqayn. Markii la burburiyay midawgii is-xilqaanka iyo la soo noqoshada madax-bannaanida 18 May 1991, Somaliland waxay tan iyo wakhtigaas horumar la taaban karo ka samaysay dib-u-dhiska dalka, taabo-gelinta nidaamka dimuqraadiga ah iyo ka qayb qaadashada nabadda iyo nabadgelyada gobolka.

Is-afgaradka Somaliland ay hadda la gashay Itoobiya kaliya maaha heshiis labada ummadood faa’iido u leh, balse isla mar ahaantaana muhiim u ah nabadda iyo xasilloonida gobolka iyo caalamkaba. Munaasibadan qaaliga ah, haddaanu nahay jaaliyadda Somaliland ee Australia waxaanu ugu baaqaynaa dawladda sharafta leh ee Australia inay si rasmi ah u aqoonsato Jamhuuriyadda Somaliland inay tahay waddan loo siman yahay oo ka qayb-qaata bulshada caalamka.

Maalinta Xornimada Wanaagsan, 26 June 2024″ Sannadka Aqoonsiga Somaliland, 2024.”

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com