Deeqaha Waxbarasho ee Dunnidan ka Socdaa Maaha kuwo aan halkan kaga wada hadli karno guud ahaantood,hase ahaate Waxa xaqiiqo ah in ardey badani aya wakhtiga rabaan in ay deeqo waxbarasho billaash ah wax ku bartaan,Helida Deeq waxbarasho waa Riyo Ardey badan ku Jirto Dalka Gudihiisa iyo Dibaddiisaba.Ardey badani wey Hellaan,halka kuwo kale oo aan tiradooda la qiyaasi karina ay ku Dhacaan in ay gaadhaan guushaasi, si dhaqaallaha badan ee waxbarashadda looga caawiyo.Deeqaha waxbarasho dunnida waxa hela dad u qalma isla markaasina buuxiya shuruucadaha gebi ahaan laggaga caaawin karo Maaliyaddaha iyo miisaaniyadaha balladhan ee dhanka waxbarashadda kharashka ku ah.
Helida Nuqulada,xeerarka iyo siyaasaddaha Deeqaha waxbarasho Dhammeystiran ama Qeyb ah (50%) Ayaa ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee Ardey doonaya Maal-gelintaasi Heli karo inta ay Furan yihiin fursaduhu,si haddii aad ugu guuleysato culeyska maaliyaddaasi lagaga kaalmeeyo.Gobollada Qaarkood Dhaqaale ahaan liita ayaana 70% hela deeqaha waxbarasho sida Siyaasadaha loo dhigey una badan helida waxbarasho bilaash ah.Halka su,aasha kale ee Deeqaha waxbarasho sida weyn ugu lifaaqani ay tahay Ardeyga la siinaayo deeq waxbarasho ma u qalmaa ma leeyahay duruuftii lagu siin lahaa ama Culeyska dhaqaalle daro danyarnimo Qoys ahaan ma ka muuqata marka la baadho,amase Mudnaan ma u heli karaa.
Deeq Waxbarasho Mudnaan leh- (Scholarship Based on Merit).
Ardeyga soo dedaallay Waxbarashadiisi horre,Islamarkaasina Dhibco sarre(GPA-very High) oo la rabo ka wata imtixaanadda maaddooyinkiisii horre wuxuu heli kara amma u qalmaa deeqaha waxbarasho ee la bixinaayo.Deedaalka waxbarasho iyo Dhibcuhu ardeyga waxa ay u ka caawiyaan helida fursad deeq waxbarasho.Guulaha hore ee ardeygu waxa ay riixaan guulaha dambe ee mustaqbalka.Dhibcahaasi ardeyga waxa ay ka caawiyaan in si dhammeystiran looga daayo lacagaha adag ee waxbarashadda ama in qeyb laga daayo 50%.Waaxana mararka qaar dhacdaba in ardeygu helo lacago loo siiyo si dheeraad ah,si uu kharash ahaan cuntada,guriga,socdaallada iyo cilmi-baadhisaha ugu isticmaalo.Ardeyda deeqda waxbarasho u baxeysa Marka aan qodddobkan ka hadleyno waxa ay ku soo baxayaan hadba sidii dhibcaha loogu kala sarreeyey amma imtixaanadii laga qaaday sidii loogu soo kala baxay,Dedaalkii iyo guud ahaan waxbarashaddoodi wanaagsaneyd.Ardeyda qaarkood codsiyada qaabilaada ayaa laga arki karaa kaalinta ay deeqda waxbarasho ka gelayaan halka kuwo badana baadhido dheerad ah,hubin badan,imtixaano kala saarid ah,iyo baadhida xirfadahooda lagaga aqoonsado inta deeqdaasi heli karta.Heerka waxbarashadda ardeygu ka taagan yahay ayaa deeqdani Jaangoynaya iyo sida uu ku yahay imtixaanadaasi haddii uu soo maray. Graduate Management Admission Test (GMAT),The graduate record examination (GRE).
Caawiye/Kaaliye Deeq-waxbarasho-(Assistanship Scholarship).
Dugsiyadda,Jaamacaddaha iyo Xarumaha waxbarashaddu waxa ay marar badan ka caawiyaan Cilmi-badhayaal,Macallimiin iyo ardey badanba in ay gaadhaan hadafkooda waxbarasho,kuwaasi oo ka bixiya amma siiya deeqo waxbarasho billaash ah,ama waxbarasho uga socota dalka dibaddiisa in ay ka bixiyaan kharashkeeda,waxaase dadkaasi laggaga badashaa deeqahaasi in ay iyaguna wakhti ku bixiyaan si bilaash ah bixinta xiisadaha ardeyda dugsiyadda ama jaamacaddaha,soo saarida cilmi-baadhisyo cussub,iyo ka shaqeynta xafiisaadka saacado joogto ah.Mararka qaarkoodna wey dhici kartaa in kharash ka baxsan deeqda waxbarasho la siiyo qofka.
Waan ku soo dedaalaya Dhameystirka Maqaalkani inta Lagu gudo jiro bisha December IA.
Abdifatah M.Ahmed
Ceelaabe_10@hotmail.com