“Deeqdani maaha mid cusub, ee waxay ahayd mid hore u timi, oo loogu tallogalay cusbitaallada Waalida ee Dalka” Guddoomiyaha Hay’ ada U-diyaar Garawga Aafooyinka iyo Kaydka Raashiinka Qaranka

 

Cusbitaalka Dadka Xanuunka Maskaxda ee magaalada Gebilay ayey Hay’ ada U-diyaar Garawga Aafooyinka iyo Kaydka Raashiinka Qaranka  gaadhsiiyey deeq isugu jirta dhar iyo cunto oo hay’adda Bisha Case e Imaaraadku ku deeqday.

Deeqdan Raashinka iyo Cuntada ee shalay la gaadhsiiyey magaalada Gebilay oo warbaahinta qaarkood ku sheegeen in deeqdii ugu horeysay ee taakulaynta Abaaraha la gaadhsiiyey ayuu sheegay Mr. Faysal Cali inaanay ahay Abaaraha balse loogu tallogalay Cusbitaalada Dadka Xanuunka Maskaxda ee Dalka oo dhan.

Guddoomiyaha Hay’ ada U-diyaar Garawga Aafooyinka iyo Kaydka Raashiinka Qaranka Mr. Faysal Cali Sh Maxamed oo wariye Maxamuud Walaaleye weydiiyey deeqda la gaadhsiiyey Gebilay tahay mid loogu tallogalay Abaaraha ayaa sheegay in la siiyey Cusbitaalka Waalida, sidii hore aanu u gaadhsiinay dhamaan cusbitaalada kale dalka, waxaanu yidhi,

“Deeqda Gebilay maaha mid abaaraha ee Cusbitaalka Waalida ayaa loogu Talogallay, sidaan u gaadhsiinay dhamaan Cusbitaalada Waalida ee Hargeysa, Boorama, Berbera, Burco, Laas-caanood iyo Ceerigaabo.” Ayuu yidhi Faysal Cali, isagoo raaciyey,

“Deeqdani maaha wax cusub oo noo yimi, laakiin waxay ahayd mid hore u timi, oo loogu tallogalay cusbitaalada Waalida ee dalka, oo hay’adda Bisha Case e Imaaraadku bixisay, annaguna sidaa ku gaadhsiinay dhamaan dalka.”

Gudoomiyaha Hay’ada U-Diyaar Garowga Aafooyinka Mr. Faysal Cali ayaa sheegay inaanay weli helin deeq la xidhiidha taakulaynta abaaraha, dhinacoodana ay baahiyeen baaqa loogu gargaarayo dadka saamaynta abaarahu ku yeesheen, waxaanu yidhi,

“Weli ma jirto deeq taakulanyta Abaaraha oo na soo gaadhay, laakiin waanu shaacinay baaq aanu u jeedinay dhamaan dhinacyada ay khusayso inay taakulany degdeg ah ka geysato, xukuumad ahaana hawsha gacanta lagu hayaa.”

Hadalka Gudmiye Faysal Cali ayaa meesha ka saaraya wararka sheegayey in deeqdii u horeysay ee Abaaraha la gaadhsiiyey Gebilay.

bandhige@gmail.com