Degaanka Dubur waxa lagu caleemo saaray Caaqil Saleebaan Caaqil Maxamed

Chief Caaqil Saleebaan Caaqil Maxamed Caaqil Cigaal ayaa, Khamiistii lagu caleema saarey munaasibad ilyartu is qabatey oo ka dhacday Tuulada Dubur ee katirsan Degmada Sheekh ee Gobolka Saaxil.

Munaasibadan oo aheyd mid si heersare ah loo soo agaasimay islamarkaana, lagu saleeyay mid dhaqan oo Taariikh facweyn ah ku abtirsaneysa, waxa kasoo Qeyb galey Madaxdhaqameed tira badan oo kasoo kala baqoolay Gobolada Saaxil, Maroodi-jeex, Togdheer iyo Gabiley, Salaadiin uu horkacayo Suldaanka Guud ee Beesha Subeer-Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan, Siyaasiyiin Culumo,awdiin, aqoonyahan,waxgarad Guurti,iyo Marti sharaf kale.

Munaasibadan oo loo asteeyay madal siweyn looga soo shaqeeyay islamarkaana, hidaha iyo dhaqanka loogu xardhey si farshaxan leh waxa ugu horeyn hadal furitaan ah ka jeediyay Suldaanka Guud ee Beesha Subeer-Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo isagu taashka ku boqray, chief Caaqil Saleebaan, isagoo xusay in madasha Caleemasaarka ee Duburi tahay, madal barakeysan oo lagu soo caleemo saarey, Saldanada Subeer-Awal ee uu hogaankeeda hayo isagoo Suldaanku sigaar ah farta ugu fiiqey in Chief caaqilka lagu caleemo saarey goobtan Duburi yahey mid soo taxneyd mudo dheer caaqilnimadiisu oo dhaxaltooyo ah, Caaqilkii ka horeeyey oo isagu ku geeriyooday Shil baabuur isagoo ka qaybgalayey soo dhawayn madaxweynaha loogu sameeyey degaanada Gobolka Saaxil ilaa Burco, awgeedna maanta bedelkiisi uu noqday Chief Caaqil Saleebaan.

Suldaan Shariif Batuun oo kamid ah Salaadiinta Gobolka Saaxil, isla markaana ah Suldaanka Beesha Sahal iyo Gashaanbuurtiisa ee soo caleemo saaray Chief Caaqilkan Cusub, oo hadal ka jeediyay Madasha Caleemo saarka ayaa, isaguna ku dheeraadey in aanu aheyn Chief Caaqilka la caleemo saarayaa mid hada la bilaabayo sida dhacda inta badan haseyeeshee, uu yahey mid Taariikh ah oo muddo badan soo taxneyd.

Suldaan Maxamuud Axmed Sheekh iyo Chief Caaqil Axmed Caaqil yare oo kamid ah caaqilada ugu facaweyn Beesha Subeer-Awal ayaa iyaguna hadal kajeediyay Madashaasi ku dheeraaday Duco iyo xogwaranka soo jireenimo ee Caaqilnimada Beeshani mudada ay soo jirtey.

Waxa kale oo iyaguna madasha hadal ka jeediyay Caaqil Aadan Yasir iyo Caaqil Cabdi Daahir oo labaduba ka Hadley daris wanaaga Beesha Caaqilkan caleemo saartey.

Waxa kale oo madasha Caleemaasaarkan hadal ka jeediyay Mujaahid Ibraahim Cabdilaahi Xuseen (Ibraahim-Dhagaweyne),oo isaguna faahfaahin ka bixiyay Taariikhda iyo miisaanka ay leedahay Chief caaqilnimada lagu caleema saarey Chief Caaqil Saleebaan Caaqil Maxamed Caaqil aw Cigaal (Hadoodi), isagoo Mujaahidku Tusaale ka bixiyay halka iyo kaalinta ay mar walba ku laheyd talada Beeshan waxaanu Mujaahidku illaahay uga baryey inuu u fududeeyo Xilka loo igmadey.

Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Ucid Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo isaguna madasha Caleemo saarka Caaqilkan hadal ka jeediyay ayaa ku dheeraaday, Taariikhda uu tirsanayo Chief Caaqil Saleebaan Caaqil Maxamed Caaqil aw Cigaal, waxaanu ugu duceeyay in illaahay u fududeeyo xilka loo igmadey islamarkaana, ay maanta u tahey mid taladiisu u bilaabantey beesha loo caleemo-saarey oo Taariikh iyo isir u laheyd talada wanaagsan.

Waxa kale oo iyaguna halkaa hadal ka jeediyay Dr Shiine iyo Xubno kale oo tira badan oo isugu jira Marti Sharaftii iyo mudantii kasoo qeyb galey Munaasibadaasi.

Ugu danbayna waxa sidii caadada u ahayd caleemo saarka madax-dhaqameedka, chief caaqilka lagu shubay, lana kabad siiyey Caano geel iyo Biyo Samsam ah iyagoo duco iyo dardaarana lagu soo khatimay madashii mudnayd ee la isku arkay.

bandhige@gmail.com