Warbixinta sannadkii 2020 ee ku saabsanaa hawlihii ay qabteen Ciidanka Dabdemiska Qaranka Somaliland ee gobolada oo dhan dabab iyo hawlo badbaado oo isugu jira Guryo Daara ah, Sandaqado, Bakhaaro,Dukaamo, Wershedo, KaalmoShidaal, Bacadleyaal,Badbaado Nafeed iyo Xooleed oo kala noocah,Gudaafado,Dhir kusoo dhaca guryo iyo hanti kala duwan Gobolada oo dhan:
Waana sida hoosta ku qoran:
NO | Magaca | Faahfaahin |
1 | Sanadkan 2020 Waxaa la demiyey Dab dhan | 1,010 Dab. |
2 | Biyaha dababkas lagula dagaalamey | 10,374 foosto oo biyo ah. |
3 | Wakhtiga dababkas lagula dagaalamey | 50,918 daqiiqadood = 849 saacadood. |
4 | Qiimaha hantida la badbaadiyey | 7,238,896$ US Dollar |
5 | Tirada dadka la badbaadiyey | 89 Qof. |
6 | Tirada Neefafka la badbaadiyey | 89 Neef Geel, Lo” Adhi, bisado iyo Ay. |
7 | Tirada gadiidka la badbaadiyey | 125 Gawaadhi. |
Warbaahinta Ciidanka Dab-demiska JS
Hargeysa/Somaliland
990/ Gurmadka Degdega ah