Dhallinyarada Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Togdheer waxay daah-fureen ururka Cod iyo Cudud

 

Munaasibad balaadhan oo ay habeenimadii xalay ahayd ka qabsoontay hotel Nasteexo ee magaalada Burco ayaa dhallinyaro ka tirsan xisbil xaakimka Kulmiye ay shaaciyeen urur ay ku midaysan yihiin dhallinyaradu oo ay ugu magac dareen Cudud iyo cCod ay ka hir galiyeen magaalada Burco, iyadoo u hore uga jiray magalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Munasibadaasi ayaa waxa kasoo qayb qalay Wasiiru-dawlaha Xananada Xoolaha Somaliland Cabdirashiid Riyo-raac, Guddoomiyaha gobolka Togdher, masuuliyiinta heer gobol, heer degmo iyo tageerayaal ee xisbul xaakimka  Kulmiye ee gobolka Togdheer.

Munaasibadani lagu daahfurayey ururka ay ku midaysan yihiin dhallinyarta xisbiga Kulmiye ee Cudud iyo Cod ayaa waxa halkaasi ka hadlay dhallinyartii furtay ururkani iyo sidoo kale masuuliyiinta kala duwan ee xisbul xaakimka Kulmiye ee gobolka Togdheer.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan: 

bandhige@gmail.com