Qaraxyadii xidhiidhka ahaa ee maanta ka dhacay Siri Lanka ayaa dhimashadii ka dhalatay waxay gaadhay 207 iyadoo dhaawacana lagu soo warramayo in uu boqolaal kor u dhaafay.
Qaraxyadan ayaa ahaa kuwa sida muuqata isku xidhnaa oo qorshaysan, iyadoo tirade uGu badani ay ka dhacday caasimadda Colombo, halka mid ka mid ahina uu ka dhacay bariga fog ee dalkaas.
Qaraxyadan ayaa lala beegsaday dadka kiristaanka ah ee dalkaas ku nool oo tiradoodu gaadhayso 0.7% kali ah iyadoo aqlabiyadda dadkaas ku nool oo ah in ka badan 70% ay haystaan diinta Budhiiska.
Baadhitaannada ayaa socda hase ahaatee waxa la sheegayaa in la xidhay dad tiradoodu toban dhaafayso oo lagu tuhmay ficilkan.
Madaxweyne-Xigeenka Maraykanka oo ka mid ahaa dadkii ka falceliyey qaraxan ayaa ku tilmaamay in uu ahaa weerar lagu soo qaaday diinta kiristaanka iyo xorriyadda wax-caabudidda.
Il-wareed: Wakaaladaha Caalamiga Ah.