Maxamed Salidhige: Adiga kuu ooyi maayo, aniga ayaa ooyaya (WQ: Axmed Nuur Guruje)

Ku , Maxamed Xasan Siciid Maxamed ( Sali-dhige) .

Marka ugu horaysa iga gudoon duco iyo Alle barri aan rabigeen ,ilaaha isaga mooyee aanu ilaah kale oo xaq laggu cabaadaa aanu jirin , ilaha Cadaaladda badan , Cadaaladda jecel ee inagu amray in aynu Cadaalad samayno , aan kuu waydiinayo , Danbi dhaaf ,Naxariis iyo raxmadiisa waasaca ah.

Saaxiibkayoow , waxaynu ahayn saaxiib , Isku jaamacad ayaynu ahayn , isku fasal baynu ahayn , afarsanadood ayaynu jidkaas soo wada maray . in badan baynu sheekaysanay , wax wada faalaynay oo aynu iska war qabnay.

Waayihii aad soo martay ee xanuunka badnaa , wixii hawl culus kusoo food saartay , wixii dhib iyo imtixaan kusoo maray waan ogaa oo waynu iska war haynay .

Wax kasta oo aad soo martayba maanta waad nagga guurtay, waxaad u guurtay gurigaagii dhabta ahaa , dibna halkan uguma soo noqon doontid .waxaad marti iyo magan u tahay ilaahay , ilaahay baad gacantiisa ku jirtaa , cid danbe oo aan isaga ahaynina arrintaad ma geli doonto .

Saaxib adiga maanta kuu ooyi maayo , waayo Aduunyadii iyo waayaheedii waad ka hayaantay ,waxaanad gaadhay Cadaaladii Rabi, aniga ayaase ooyaya maxaa yeelay Aduunyadii aad ogayd ayaan joogaa .

Nabadgelyo iyo Naxariista eebe oo waasaac ah .