Istiraatijiyadaha uu isticmaalo keli-taliyuhu, maamuulkiisana cimriga u dheereeya! (WQ: Axmed Ismaaciil Idiris)

Waa maxay strategyadaha uu isticmaalo keli-taliyuhu, maamuulkiisana cimriga u dheereeya?

1. Mashquuli dadka oo yaanay helin wakhti ay ku fikiraan ama isku waydiiyaan su’aalo macquul ah.

2. Abuur mashaakil badan oo xalalkoodu raagayo, inta aan xal loo helina mushkilad kale abuur oo tii hore lagu ilaabo sida dagaalo, dhibaatooyin dhaqaale iyo kuwa mujtamacba.

3. Isbedelka adigoo samayn kara, mar qudha ha wada samayn ee maalinba meel yar wax ka bedel, si loo arko in isbedelku maalinba maalinta ka dambaysa isasoo tarayo.

4. Ka dhaadhici bulshada in waxa raagaa ka wanaagsan yahay waxa soo degdega. Tallaabo waloo ay qaadaan kuwa mucaaradka kugu ahi, una tus bulshada inay degdegayaan wacan tahayna in wakhti la siiyo.

5. Dadka ula dhaqan ama wax ugu sheeg sidii oo ay caruur yihiin meel la isugu keenay oo kale. Dhallaamayn illaa ay dadku isu qaataan inaad ka caqli iyo aqoonba badan tahay.

6. Isticmaal afkaar caadifadu ku badan tahay, halkii aad ka isticmaali lahayd afkaar fikir u baahan iyo degenaan. Waayo caadifaddu waxay kuu sahli kartaa in dadka maanka gaabani ka fikir dheereeyaan kuwa caqliga u saaxiibka ah, kuuna sacab tumaan.

7. Shacbiga ka xidh meel kasta oo ay xogo cusub ka heli karaan, kuna jihee maaweelooyin iyo inaad tusto in aad keligaa wax qabato.

8. Dadka ku tilmaan inay yihiin qaar aan aqoon lahayn oo caqligoodu liito, kuna cel celi illaa ay isu qaataan inay yihiin qaar la’aad ah.

9. U sawir in indheer garadku ay dembiilayaal yihiin, si ay kuugu fududaato inaad si dhib-yar uga takhalusi karto cidda ka hor timaadda xukunkaaga.

10. Bulshada qof qof u baro, si aannad adigu naftaada u aqoon, si aad u oogaato qof walba halka uu u liito una isticmaasho markaad u baahato.

Intaa marka lagu fahmana, wixii madaxdii carab ku dhacay ayaa kuu dambayn – Si xunbaad u dhiman oo taariikhda gasha!