xukuumada jsl oo saxeexdey heshiishka keenista qalabka hubinta gaadiidka

Wasaaradda Gaadiidka iyo Haromarinta Jidadka JSL iyo shirikadihii ku guulaystay Qalabka hubinta bidqabka Gaadiidka ayaa waxaa ay kala saxeexdeen heshiiska hubinta badqabka gaadiidka, waxaana madashaasi goob joog ka ahaa wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland Cabdilaahi Abokor iyo agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka mudane Cumar Cabdilaahi Aadan (Cumar-sayid) iyo shirkadaha guuleystay sanadlaha ah ee badqabka gaadiidka dadweynaha.

Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland oo munaasibada ka hadlay ayaa sheegay in adeegani qayb ka tahay hubinta fayoqabka gaadiidka iyo waliba dadweynaha.

Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi โ€œShilalka gaadiidka waxyaabaha aanu is leenahay aad ku dhintaan ayey qayb ka noqon doontaa oo mudadaasi sadexda bilood ah ee aanu idin siinay inaad ku diyaar garawdaan haddii ay noqoto qalabka la idiinka baahan yahay iyo haddi ay noqoto goobtaba iyo wixii dhismeyaal ah ee loo baahan yahayba iyo dadkii khubarada ahaa ee shaqadan qaban lahaaba, waxaanu idinka rajaynaynaa ina mudadaasi sadexda bilood ah aad ku soo dhameystirtaanโ€.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi โ€œRuntii waa masuuliyad aad nala wadaagaysaan oo ah masuuliyadayada qayb ka midย  ah sida ugu fiican ee ugu macquulsana waanu idiinla shaqaynaynaa haddii ay noqoto xag farsamo iyo haddii ay noqoto xag aqoomeedba waxa nala jooga nin khabiir ah oo hawshan khabiir ku ah, markaa aad iyo aad baanu idiin soo dhaweynaynaa waxaanan jecelahay Insha Allah inaydun ka soo bixi doontaan, hawshana intaad wadaan wasaaraduna wixii hawl fududayn ah ee kale ee aad u baahnaydeen ayey wadi doontaa โ€

Agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka mudane Cumar Cabdilaahi Aadan (Cumar-sayid) ayaa ka waramay muhiimada ay hawshani u leedahay badqabka gaadiidka iyo dadweynaha โ€œKolay arintani waa arin culays ku keeni doonta shacabka Somaliland ee gaadiidka wata, culays waliba dhaqaale oo marka hubinta la samaynayo qofkii lacag ayaa laga qaadayaa, laakiin waxaan halkan uga sheegaynaa waxa ka qiimo badan qof bani aadam ah in naftiisa la badbaadiyo ma jirto, shilalka maalin walba ka dhacaya dalka kolay dawladda ay shacabku ku eedeeyaan, gaar ahaan wasaaraddayada oo markaanu is nidhaahno talaabo qaada oo shacabka wax u qabta haddii la yidhaahdo shacbigii ayaad culays ku keenteen, waxaanu leenahay shacabka laba kala daaya in la lana eedeeyo iyo in wixii aanu keeno la fulin waayo markaa runtii aadbaan ugu boorinayaa in loo adkaysto culayska arintaasi leedahay oo qof walba gaadhigiisa uu sanad hubiyo ilayn isaga naftiisa ayaa la badbaadinayaayeโ€

Xubin ka mid ah shirkadihii ku guulaystay mashruucan oo ku hadlayey afka shirkadaha ayaa waxa uu yidhi โ€œhadaanu nahay shirkadihii mashruucan qaatay inaanu sida ugu fiican hawshaasi u qabanoโ€

Xigasho:- page-ka wasaarada Gaadiidka Somaliland.